HARGEYSA (GNA)-Maareeye ku xigeenka haya’da korontada ee magaaladda Hargeysa C/llaahi Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in ay ku guda jiraan dedaal ay kor ugu qaadayaan adeega ay bulshada u hayaan.
Mareeye ku xigeenka hay’ada korantada Magaladda Hargeysa C/llaahi Yuusuf Cilmi ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega baladhaan ee ay hay’adu bulshada u hayso, waxaana uu sheegay in mudaadii koobanday ee ay xilka hayeen ay dib u habayn ku sameeyeen mishiino cildaysanaa oo ay wali qaar gacanta ku hayaan.
Mareeye ku xigeenku waxa uu intaa ku diray inay tallaabo ka qadeen dad si sharci daro ah uga faa’iidaysan jiray adeega laydhka ee Hay’da korantada magaalada Hargaysa kuwaasi oo uu tilmaamay in ay siyaabo kala duwan u isticmaali jireen laydhka waxaana uu sheegay in talaabo sharci ah laga qaaday, isaga oo uga digay bulshada in si aan sharci ahayn ay ugu tagrifalaan adeega ay hay’dani bixiso.
Maareeye xigeenku waxa uu sheegay in macaamiishii Hay’adu ay daynta ku lahayd in daynataas qayb ka mid ahi ay usoo xarootay, iyada oo qaybata hadhsana ay ku daba jiraan sidii khasnada ay ugu soo xaroon lahayd. Gudoomiye xigeenka hay’ada korantada ee magaalada hargaysa waxa uu dadweynaha macaamiishooda ah u jeediyay in ay biilasha waqtiga ku haboon iska bixiyaan, si uu hay’ada ugu fududaado adeega ay u hayaan bulshada