Hargeysa(GNA)-Golaha Wada-tashiga Qaran ee lagu dhawaaqay Maanta ayaa ah mid ay dadka saluugsan siyaasadda dawladu aad ila dhacsanyihiin, halka kuwa taageersani dareen aan wanaagsanayn ka bixinayaan.
Waxa Golahan xubno ka ah sida la sheegay, shakhsiyaad ay aad isugu dhadhawaayeen Xukuumadda iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo ah dadka aragti ahaan aad looga Ixtiraamo waddanka, Xasan Guure oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Reer Burco ee ay aad isugu dhawaayeen Wasiirka madaxtooyada xiligaa Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa iyo Miisaan qabayaal kale oo door ah.
Waxa muuqata inay ragan Daladan ku bahoobay ay u soo banbaxeen qorshe ay Mucaaridad kala hor-imanayaan Xukuumadda talada haysa, waxaanay warsaxaafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen in dulucda iyo Yoolka loo abuuray yahay sixida khaladaadka siyaasadeed ee dalka ka socda.
Mujaahid Ibraahim Dhego weyne oo ka mid ah Xubnahan, isagoo ka hadlaya kulankii golahaasi lagaga dhawaaqay, ayaa sheegay “waxaynu ku ciyaaraynaa Garoon aanaynu garanayn, waxa jira dhibaatooyin badan oo dalka yaala oo waxba laga qaban la’yahay”ayuu sheegay.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Somaliland ayaa talaabada Golahan meelo kala duwan u sibir-saaraya, waxaase jira dareeno odhana waxa ka dambeeya go’aankooda gacmo shisheeye oo ka baxsan Somaliland “Nimankani waxay ka duulayaan dareenka shacbiga ee xiligan waxaanay isku dayi karaan dariiq kasta oo ay ku kicinayaan bulshada, waxaana dhici karta in qaar ka mid ah oo Loopin samaynaya waxyeelo loo geysto dabadeed,, Kacdoon shacbi ka dhasho”sidaasi waxa yidhi Falanqeeye ka faalooda siyaasada oo ku sugan Hargeysa.
Geesta kale waxa laysweydiinayaa sababta dhalisay midowga siyaasiyiinta ka dhexmuuqda kooxdan oo u badan Hogaamiyayaashii Ururkii SNM, waxaase jira aragtiyo sheegaya inuu jiro shaki ay Nimankani qabaan oo ku kalifay hawshan ay gudo galeen “Odayaashani waxay u badan yihiin SNM, waxaanay ka shakiyeen qaabka siyaasadeed ee dawlada,taasaa markaa ku keliftay arintan”ayuu yidhi Maxamed Axmed oo ka mid ah aqoonyahan ka falanqooda siyaasada.
Dhinaca kale, waxa jira warar tibaaxaya inay Maanta la kulmeen Guddida Golahani ashkhaas Ajaanib ah oo u dhashay Dalka maraykanka , wallow warkaasi aan rasmiyan loo hubin, balse Gobanimo ay u xaqiijiyeen dad xogogaal u ah dhaqdhaqaaqoodu.
Marka si guud loo eego dhamaan xubnaha ugu cad-cad hada eek u jira waa kuwo si toos ah u dhaliila siyaasadda Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanay taasi laf dhuun gashay ku tahay Madaxweyne siilaanyo iyo Xisbiga kulmiye, maadaama laga fili karo daladdan Mucaaridad aad u culus oo saamayn ku yeelan karta Taageerada shacbiga ee Xukuumadda.
Hadii ay dhab ka tahay Toosinta iyo taabo-gelinta Mucaaridad mug leh oo ay xukuumadda ku waajahaan, waxay haystaan fursado badan oo ay ka weerari karaan gol-daloolooyinka jira, waxaana ilaa hada oo ay hawshoodu qariib tahay ay helayaan Kalsooni badan oo dhinaca shacbiga uga imanaysa, hase ahaatee kastabashadooda taageero muuqata , ayaa ku xidhan sida ay wax u dhaqaajiyaan iyo cadaynta Mawqifkooda biyo-kama dhibcaanka ah, taasoo ay bar-bar socon doonto Cadaadis iyo faro gelin kaga iman karta dhinaca Dawladda.
Asxaabta Mucaaridka ayaa ka mid ah meelaha ilaa hada laga soo dhaweeyay, inkasta oo Guddoomiyaha xisiga UCID horeba uga dhex muuqday Kooxdan, taasina loo arko inuu ka mid yahay, halka WADDANI aanay wali mawqifkooda arintan la xidhiidha cadayn.
Dawlada ayaa dhinacyo badan ka faro-gelinta hawl-galka daladdan oo ah mid ugub ku ah Kooxaha isu abaabula dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah, waxaana xusid mudan inuu madasha ka dhex muuqdo siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Urur siyaasadeed Qaran la odhan jiray oo xiligii Xukuumaddii Rayaale sifo aan sharciga waafaqsanayn loo aasaasay, kaasoo xiligaasi isaga iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose markii ay ku dhawaaqeen ka dib xabsiga loo taxaabay.
Si kastaba ha ahaatee Daladdan oo dadka aan soo dhaweyn aragtidoodu ku macneeyeen Saaqidiinta siyaasada Somaliland, balse xaqiiqiyan aan ahayn rag arintooda la dhayalsan karo, ayaa la eegi doonaa halka ay wax ka bilaabaan iyo waxay kala mutaan xukuumadda talada haysa oo aan ilaa hada ka falcelin go’aanka ay bayaamiyeen.
Gobanimonews
Hargeysa Office