London(GNA)- Dawladda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qodobbadii ku jiray heshiiskii Ankara ee bishii April ee sanadkan ay Soomaaliya kala saxeexdeen ee ay jabisay dawladdaasi.
Wada-hadaladii u dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay dib uga furmay dalka Turkiga ayaa ergooyinka ka kala socda labada dawladdood ay soo bandhigeen ajandaha ay wataan, isla markaana Somaliland ayaa shaacisay qodobaddii lagu heshiiyay shirkii in qaar ka mid ah ay madaxda Soomaaliya jabiyeen.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah ergada Somaliland uga qayb galaysa shirka wada-hadalada Somaliland iyo Somaaliya oo ka waramay ajandaha shirka iyo waxyaabaha ilaa hada laysla soo qaaday ayaa sheegay “Anagu (Somaliland) waxaanu doonaynaa waa wax iska cad wax qarsoodi ah maaha ajandaha sidii dhaqanku ahaan jiray marka la isku yimaado in laga heshiiyo oo qolo waliba waxay wadato ay keento oo guddi loo saaro oo guddidaasi ajande midaysan ay soo diyaariso oo guddida la dhex keeno, ka dibna laga wada hadlo, markaa ajandahayagu wax qarsoodi ah maahee waa madax-banaanida Somaliland ayaa qodobka koowaad ah.”
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay qodobka ay dawladda Soomaaliya jabisay eek u jiray heshiiskii hore, waxaanu yidhi. “Qolo waliba waxay doonaysay way sheegatay. Anagu waxaanu sheeganay qodobadii Ankara lagu kala saxeexday qodobadaas oo qaar ka mid ah ay dawladda Soomaaliya jabisay, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shirka ka hor akhriyay, iyaguna way sheegeen waxay u socdeen, waxaanay dawladda Soomaaliya jabisay heshiiskii hore ee Ankara qodobaddii lagu heshiiyay qodobkiisa todobaad, shirkana waanu ka cadeynay, wixii aanu ku heshiinayna waxbaa ka jabay, iyadoo aanay saddex bilood ka soo wareegin.”
Guddoomiye ku-xigeenka oo wax laga waydiiya inay qodob ka mid ah jabiyeen, maadaama Somaliland Qaramada Midoobay duulimaadyadeedii ay mamnuucday, waxa uu ku jawaabay. “Arrinta duulimaadyada wax iskugu kaaya jira Soomaaliya ma jiraan, hawadayada anagaa xukunna, Soomaaliyana kala tashan mayno, iyagaa hawadayada soo galay oo jabiyay cid aanu u daba fadhiisanayno hawadayadana ma jirto, mucaawinadaa aanu joojinayna waa mid anaga noo socotay ee may ahayn mid Soomaaliya u socotay, ergaduna qodobkaanu ku haysano may jabin ee waxa jabiyay Madaxweynaha Soomaaliya.”
Shirka ayaa maanta galay maalintiisii labaad, waxaanu soconayaa mudo dhawr maalmood ah oo dambe.
Lamase oga waxa ka soo bixi doona natiijada shirka oo ah mid lagu soo qaadayo arimo xaasaasiya.
Gobanimonews
London Office