Garoowe(GNA) Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa Maanta kulan la qaatay ergadii ka socotay gobolka Mudug ee ka qaybgashay Aaskii Boqorka ee magaalada Qardho.
Hotel Rugsan Square ee magaalada Garowe ayuu la quraac sharaf kula qatay madaxweynuhu ergada uu hogaaminyay Islaan Bashiir Islaan Cabdule ayna ku jireen gudoomiyaha gobolka Mudug ,ku xigeenka ,Duqa Degmada Galkacayo ,nabadoono ,siyaasiyiin hore iyo masuuliyiinta Dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka soo socda sidii dhamaan looga qayb qaadan lahaa ,waxana dhanka kale ay odayaashu ka warbixiyeen xaalada gobolka Mudug iyo diyaargarowga xisbiyada.
Si gaar ah ayaa waxa kulan iskula qaatay madaxweynaha Puntland iyo Islaan Bashiir ka dib Quraacdii sida guud la isku arkay ,waxana dhamaadkii Madaxweynaha Puntland ayaa sagootiyay wafdigan oo Galkacayo u anbabaxay.
Dhinaca kale kulan gaaban ayaa maalinkii shalay Qardho ku dhexmaray qaybo ka mida issimadii ka qaybgalay duugtii boqor Cabdulaahi Boqor Muuse,waxana ay iska wareysteen xaaladaha deegaanada ay ka kala yimaadeen.
Kulankan ayaa issimadu kaga hadlin wax siyaasad ah iyagoo ku gacan sayray baaq ay soo jeedsheen kooxo ka soo horjeeda nidaamka xisbiyada Puntland oo doonayay inay isku imaatinka issimada ee duugta boqorka uga faa'idaystaan arrimo siyaasadeed.
Daawo Sawiro
Gobanimonews Puntland