Tuesday, July 9, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Booqday Xafiisyo Dawladeed iyo Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka


Hargeysa(GNA)-Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tegay Goobo ka mid ah Xafiisyada dawlada iyo xarumaha adeega Bulshada ee Magaalada Hargeysa .




Wasaaradda Warfaafinta, Madaarka Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa, xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Dr. Maxamed Aadan Sheikh iyo Dawlada hoose ee Caasimada ayuu madaxweynuhu booqday, waxaanu warbixino ka dhegeystay Masuuliyiinta Hay’adahaasi.




Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Maamulka iyo shaqaalaha Xafiisyada uu tegay sida ay Bulshada ugu adeegayaan,ka dib markii uu Warbixino ka dhegeystay,  waxaanu ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan u adeegista Bulshada, isla markaana xoojiyaan shaqada ay hayaan.




Kormeerka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili Isbedel maamul uu ku sameeyay dabayaaqadii Bishii hore badi hay’ada uu xarumahooda booqday, sida wasaaradda Warfaafinta oo uu Wasiir cusub u magacaabay iyo Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Dr. Maxamed Aadan Sheikh oo ay Wasaaradda Caaafimaadku Maamusho.




Gobanimonews




Hargeysa Office