Wednesday, July 24, 2013

Madaxweynaha Koonfurta Sudan oo ku xigeenkiisana xilka ka qaaday Wasiiradana kala diray


(GNA) Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir Miyardit ayaa Talaadadii xilka ka qaaday ku xigeenkiisa Riek Machar  iyo dhammaan golaha wasiirada, sidoo kale waxuu casilay xog-hayaha guud ee dhaq-dhaqaaqa shacabka ee xoreynta Sudan (SPLA) Pagan Amum.




Bayaan kasoo baxay Salva Kiir oo ay qortay wakaaladda wararka ee koonfur Sudan ayaa lagu sheegay hadalkan, Silvakiir waxa uu ugu baaqay wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan inta laga soo dhisayo xukuumad cusub, isagoo golaha wasiirrada oo ahaa 29 kusoo koobay 18 wasaradood.




Guddi uu horkacayo guddoomiyaha Baarlamanka James Wani ayaa loo xilsaaray baaritaan lagu sameynayo xog-hayaha guud ee SPLA Pagan Amum oo Kiir uu ku eedeeyay in uu jeediyay hadallo qallafsan iyo eedeyn ku wajahneyd Madaxweynaha dowladda.








Casilaaddan ayaa la sheegay in ay kusoo beegantay xilli ay jiraan is qabqabsi u dhexeeya madaxda SPLA oo uu hoggaaminayo Salva Kiir, iyagoo isku tuhmaya Lunsashada Malaayiin dollar oo hanti dadweyne ah.




Wasiirka warfaafinta xukuumadda la riday Barnaba Marial Benjamin ayaa u sheegay AFP in tallaabadan ay tahay isku shaandheyn buuxda oo Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kusameeyo dowladdiisa,




Isbeddelka dhinaca xukuumadda ee Koonfur Sudan ayaa noqonayaa kii ugu weynaa oo dhaca tan iyo markii ay ka go’een Sudan laba sano kahor.








 




Arrintan ayaa la sheegay in ay sii kordhineyso fashilka dowladda Koonfur Sudan ka heysta xal u helidda dagaalada u dhexeeya beelaha ee ka socda deegaano ay kamid tahay Jonglei iyo wax kaqabashada arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha.




Diyaariye:Askar




Gobanimonews.com