Wednesday, July 24, 2013

Akhri: Qodobada ay ku Heshiiyeen UCID iyo WADDANI


Hargeysa(GNA)Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani Ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay kala saxeexdeen heshiis ay si wada jir ah u saxeexeen gudoomiye Faysal Iyo Guddoomiye Cirro




“Waxa maanta farxad weyn iyo guul u ah labada xisbi mucaarid ee wadani iyo Ucid inay si wada jira u heshiiyeen maanta oo arbaha taariikhudan tahay 24/07/2013, taas oo laga soo bilaabo 15/07/2013 oo la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey labada xisbi, isla markaan ay labada xisbi isla qaateen ay iska kaashadanaa arimaha mucaaridnimo iyo danta qaranka. ”




1.  In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,




2.      Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo  shuruucda dalka





3.       In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka




4.      In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo





5.      In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin




6.      Inay labada xisbi mucaarid  diyaar u yihiin inay xukuumada  iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka




 




7.      Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah




8.      In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan




 




9.      In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo  daneeyayayaasha doorashooyinka




10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran  ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.