(GNA) Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha maamulka Puntiland , Cabdi Raxmaan Faroole, isaga oo ku tilmaamay nin aan ka fiirsan talaabooyinka uu qaadayo.
“Wuu ku deg degay Faroole in uu ku dhawaaqo markii horab in uu qabanayo doorashooyin xizbiya badan isaga oo aan ka fiirsan sida bulshadu u doonoesyo hindisihiisa. Waxa ay aheyd markii horaba in uu bulshada kala tashado qaabka loo hir-gelin karayo doorashooyinka xizbiyada badan”, Ismaaciil Hurre Buubaa oo hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sidaa ku waramay.
Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa intaa raaciyay, “Hore ayaa Faroole sidaan oo kale dhibaatooyin uga geestay deegaanada Puntiland. Dhiig badan ayaa u daatay rabitaankiisa, mana aha arintaasi mid loo baahnaa”.
Dhanka kale, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxa uu taageray in Puntiland laga sameeyo xizbiyada badan inkasta oo uu sheegay in wadada loo maray ay qaladaneed arintaasina ay tahay tan caqabada keentay in dhibaata ka dhalato.
Hadalka siyaasigan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan dad badani ay naftooda u waayaan qaarna ay u dhaawacmaan hir-gelinta doorashooyinka Xizbiyada badan ee Puntiland kadib markii Faroole uu isku dayay in uu muruqa foodiisa ku dhaqan geliyo.
Kadib dhibaatooyinka nuucaas ah ee ka dhashay diidmada doorashooyinka Xizbiyada ayaa Cabdi Raxmaan faroole waxa uu ku dhawaaqay in doorashooyinkaasi dib loo dhigay arintaas oo dad badin soo dhaweeyeen.
Diyaariye :C/qaadir Askar
Gobanimonews.com