Saturday, July 20, 2013

SLN: Siyaasi Toban Tikniko ah iyo Wefti culus Wata oo Puntland ka soo Fakaday iyo Wasiiro ku Qaabilaya Fiqi-fuliye


 Ceerigaabo(GNA)-Wararka ka imanaya Deegaanka Fiqi-Fuliye ayaa sheegaya in uu Halkaasi soo Gaadhay Siyaasi C/raxmaan Xirsi Faarax [Uurbayto] oo ahaa Gudoomiye ku Xigeenkii Golaha Samatabixinta Puntland,ka dib markii  Wada hadalo qarsoodi ah oo Maalmahan u socday isaga iyo Somaliland Maanta lagu Guulaystay.




Somaliland ayaa la sheegay inay soo dhaweynta siyaasigan u dirtay xubno ka mid ah Wasiiradda xukuumadda oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kana mid yihiin, Warfaafinta Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Nabadaynta Barriga,Wasiirka Biyaha iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka.




Waftigaasi oo maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, kuna sii jeeda deegaanka lagu soo dhaweynayo, iyagoo sida la sheegay in halkaasi Xaflad soo xero gelin ah loogu samaynayo.




Weftiga ka socda Somaliland waxa la sheegay inay caawo gaadheen Degmada Darar weyne oo ka tirsan Gobolka Sanaag.




Siyaasigan ayaa la sheegay inuu wato Gaadiid Gaadhaya ilaa 10 Gaadhi oo ay  Tikniko saaarantaha iyo Malayshiyaad isaga Taabcsan oo kala soo goostay dhinaca Puntland.




Ma jiro war ka soo baxay dhinacyada isku waajahan ee Somaliland iyo Siyaasigan, balse waxa jira warar kale oo sheegaya in weftiga siyaasigani hogaaminayaa ka balaadhanyihiin inta lagu sheegay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo xogogaal ahi, isla markaana ay la socdaan xubno madaxdhaqameed ah oo ka soo jeeda Degmada Fiqi-fuliye ee Gobolka Sanaag




Sida ay ku warantay Mareegta Galgalanews Wada-hadalada Heshiisku ka dhashay  waxa hore u Dabray rag Siyaasiyiin ah oo ka soo Jeeda Gobolka Sanaag,oo uu ka mid yahay  Nin  Xildhibaan hore uga ahaa Dowlada Somaliya Cali Baashe Xaaji Maxamuud oo Wakhtigan Hargaysa ku Sugan.




Somaliland ayaa in  mudo ahba  waday soo xero-gelinta Siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda ee u dhashay Dhulkeeda, kuwaasoo ay ka mid yihiin rag miisaan culus laga siiyay Xukuumadda siilaanyo, balse lama yaqaano sida laga yeelayo ama lagu sharfayo Siyaasi Uur-bayto.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office