Monday, July 8, 2013

Liverpool Oo Soo Diiday Dalabkii Arsenal Ee Luis Suarez..


Arsenal ayaa si lama filaan ah wax uga weydiisay Liverpool xaalada Luis Suarez, waxaana dalab 30 milyan ginni ah oo u soo bandhigeen Reds uu noqday mid la soo diiday sida ay sheegeyso jariirada Daily Telegraph.




Wargeyska ayaa sheeganaya in dalabka Arsenal ee la soo diiday uu ka yaraa shan milyan ginni lacagtii ay Liverpool Andy Carroll ku soo iibsatay 2011dii, taasoo ay jariirada ku tilmaamtay inay ka yaabisay madaxda Anfield.




Liverpool ayaa ku adkeysaneysa in xiddiga reer Uruguay uusan iib aheyn, waxaana lagu wadaa inay la hadlaan 26 jirkaan isbuucaan ka dib markii uu dhawaan sheegay inuu doonayo inuu ka tago England iyadoo Real Madrid lagu waday inay noqon doonto meesha uu caga dhigan doono.




Wararka xanta ah ee la xiriira Suarez ayaa noqday kuwa maalin walba si ka duwan sidii hore u soo baxa iyadoo saxaafada Spain ay dhawaan qorayeen in Chelsea ay sidoo kale ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddigii hore ee Ajax.




 




 




Arsenal ayaana si aad ah u dooneysa inay weeraryahan cusub keensato xagaagan, waxaana ay ku dhawaayeen saxiixa Higuain kaasoo ku laabtay haatan tababarka kooxda Real Madrid madaama aan weli la dhameystirin heshiiska kooxda Waqooyiga London.