Burco(GNA)-Hawl-galo lagu Bur-burinayo Seere Oodeedyada sharci darada ah, ayaa ka socda Deegaanada hoos yimaada Goboladda Togdheer iyo Daad-madheedh.
Hawl-galaddaasoo ay fulinayaan Maamuladda labada Gobolka iyo Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa baab’iyay Beero Oodeedyo tiro badan oo si sharci daro ah looga sameystay Dhulka Xoolo daaqeenka ah ee Degmada Baliga cas ee Gobolka Oodweyne.
Jamaal Xuseen Hurre iyo Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Daad-madheedh Maxamed Ibaarim Cilmi oo uu weheliyo Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolkaasi oo ololahaBeerahaasi lagu fuliyay hogaaminayay ayaa dhanka kulan la yeeshay Odayaasha iyo Wax-garadka iyo Madaxdhaqameedka Tuulada Cabdi-faarax ee Gobolkaasi, kuwaasoo ay kula dar-daarmeen inay ka hortagaan Seereyaasha Sharci darada ah ee laga oodayo DeegaanDaqsimeedka.
Masuuliyiintan ayaa dhamaantood sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii isku dayda inay dib u soo celiso Oddista Dhulka la baneeyay, iyagoo dhinaca kalena ku dooday in la sii wado doono hawl-galka arintaasi lagula dagaalamayo.
Geesta kale Hawl-gal kan la mid ah ayaa laga fuliyay Deegaano hoos yimaada Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, kaasoo lagu baabi’iyay Dhul Beereedyo sharci daro ah oo
“Ninka Ood ku xidhay Dhul 1KM ama 2KM oo isku Sqaur ee Xoolihii daaqi lahaa ka xidhay waxna ka beeri waayay muxuu soo kordhinayaa”sidaasi waxa yidhi Maayirka degmada Burco oo hawl-galkaasi fulintiisa qayb ka ahaa.
Dhinaca kale Saraakiisha Wasaaradda Deegaanka iyo Maamulku waxay sheegeen inaan qofna looga dulqaadanayn samaysiga waxay ugu yeedheen Seerayaasha sharci darada ah.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan ay qaadeen Maamulka Goboladda Deegaan wadaagta ah ee Togdheer iyo Oodweyne, ayaa ka dhashay korodhka Oodashaa Beer-cawska oo siyaasad ahaan iyo Dhaqan ahaanba Madnuuc ah.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com