Monday, July 8, 2013

David Moyes: Waxaan Doonayaa Inaan Koob Walba La Qaado Man United Xilli Ciyaareedka Soo Socda.


David Moyes ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ku guuleysto wax ka badan horyaalka xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee Manchester United.




Tababaraha reer Scotland ayaa ku guuleystay kaliya hal koob 15kii sanno ee uu macalin ahaa, waxaana uu horyaalka League One la qaaday Preston, laakiin waxa uu haatan sheegay inuu doonayo inuu koob kasta la qaado United xilli ciyaareedka soo socda.




“Waa inaad shaqo fiican ka qabataa tartamada oo dhan – kaliya ma ahan inaad xooga saarto Premier League” ayuu Moyes u sheegay The Sun.




“Marka aad joogto Manchester United waa inaad wax walba u tartanaa, waa inaad isku daydaa inaad wax walba ku guuleysato.




“Malaha mararka qaar kuuma suurtogaleyso, laakiin waa inaad isku daydaa inaad ku guuleysato koobabka oo dhan.




 




 




“Waxaan taas soo sameeyay meel kasta oo aan joogay, hubaanshiina halkaan waa ku sameyn doonaa sababtoo ah waxaan heystaa koox weyn oo dhaqan u leh guusha.”




Koobka ugu soo horeeya ee Moyes uu fursad u heli doono waa Community Shield oo ay 11ka August la ciyaari doonaan Wigan Athletic.