Hargeysa(GNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhebeeye ayaa maanta xilkii loo magacaabay kula wareegay Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mustafe Qodax, Shaqaalaha Waaxyaha Wasaaaradda iyo xubno ka mid ah Bahda Ciyaaraha Somaliland, ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha Mustafe Qodax oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay “Wasaaradda waxaan la wareegay iyadoo aanay wax agab Ciyaareed ahi Oolin oo hadii lays yidhaahdo wareeg yar qabta cid kale loo baryo tegayay, maantana hadii la eego waxaan wareejinayaa Qalab Ciyaareed oo Bakhaaraddeeda ugu xaraysan, Dhisme noqon doona ka ugu qurxda badan Wasaaraddaha oo bisha dambe loo dhamaynayo, Garoomo badan oo la dhisay iyo kuwo hada hawshoodu socoto”sidaasi waxa yidhi Mustafe Qodax.
Mustafe Qodax oo xafladaasi hadal dheer ka jeediyay, waxa kale oo uu ku taliyay in Madaxweyne Siilaanyo Wareegto Madaxweyne oo uu qodob sharciya u cuskanayo ku magacaabo Guddida OLOMPIC Qaranka oo uu sheegay in baahi weyn loo qabo, loona baahanyahay in Sharciyad lagu dhiso oo ay noqoto Hay’ada madaxbanaan oo Wasaaraddu siyaasad ahaan maamusho.
Dhanka kale Agaasimaha cusub ee Xilka la wareegay Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qorsheyaashiisa wax qabad iyo halka uu doonayo inuu hawsha ka bilaabo, isagoo xusay inaanu ahayn qof wasaaradda iyo shaqada toona ku cusub, balse uu yahay Nin muddo dheer ku taamayay inay horumarto Wasaaradda Dhalinta iyo Ciyaaraha Dalku.
Mr. Dhabeeye oo halkaasi ka jeediyay Kelmedo kaftan ah oo badan, ayaa sheegay inuu Wasaaraddan xiliyada qaar dhaliilo u soo jeediyay intii Xisbiga Kulmiye talada haye, waxaanu sheegay inay sugayso wax ka qabashada Dhaliilihii uu Warbaahinta uga soo jeediyay bilo ka hor Wasaaraddu “aniga Xilkan lay dhiibay waxa ii dheer oo aan doonayaa inaan idiin sheego inaan muddo ka hor Warbaahinta ka dhaliilayay Wasaaraddan, markaa wixii aan dhaliilay inaan wax ka qabto ayaa layga fadhiyaa”.
Waxa ugu dambeyntii Xafladaasi oo xidhay, labada masuulna xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal , waxaanu Agaasimaha cusub ku soo dhaweeyay gacmo furan, halka uu agaasimihii horena ku booriyay sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeeyay.
Cali Siciid Raygal, ayaa la kaftay Agaasimaha cusub , isagoo soo qaaday Eedeymo uu hore Warbaahinta uga soo jeediyay, waxaanu yidhi “Nimanbaa markii Maxamed la magacaabay Telefoonka igala soo hadlay oo igu yidhi waar Ninkii Jaraa’idka kaa caayayay, ayaa Agaasime lagaaga soo dhigay, dabadeed waxaan ku idhi waar iska daaya annaguba sideed sanadood ayaanu Mucaarid soo ahayn oo wuxuun cayaynee, markaa hawshaasi waa dhamaatay Maxamed-na waa Inankaygii waa Agaasimihii Wasaaradda,waanan soo dhaweynaynaa”ayuu yidhi Cali Siciid Raygal.
Shaqaalaha Wasaaradda ayaa ugu dambeyn halkaasi shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Agaasimaha Xilka wareejiyay mustafe qodax, kaasoo ay ku maamuuseen sidii wanaagsanayd ee sida ay sheegeen uu ula soo shaqeeyay.
Halkan ka Daawo Sawiradda Xaflada
Gobanimonews.
Hargeysa Office