Tuesday, July 23, 2013

Kooxo hubaysan oo habeenimadii xalay 10 weeraro kala duwan ku qaaday Xaruumo Booliska Masar ay ku leeyihiin Gobolka Sinaay.


(GNA) Iyadoo wali ay ka soconayaan dalka Masar xasilooni la,aanta iyo rabshadaha ay barbar socdaan Mudaaharaadyada ay wadaan qoloda Ikhawaanu Muslimiinta ayaa waxa haatan kasoo baxaysa dalka Masar in 4 qof oo rayid ay ku dhinteen weeraro kooxo hubaysan habeenadii xalay ay ku qaadeen xarumo Ciidamada dalka Masar ay ku leeyihiin Gobolka Sinay.




Ugu yaraan 10 weerar ayaa la sheegaya in kooxaha hubeysnaa ay xalay ku qaadeen xarumaha Ciidamada dalka Masar ay afar kamid ah labo katirsan ay ahaayeen ciidamada Booliska dalka Masar.




Magaalooyinka Rafax iyo Al Cariish oo katirsan gobolka Siinaay ayaa waxa ay habeenkii xalay waxaa laga dareemayay jawi kale oo xasalooni la,aan ah islamar kaasina ay shacabka ku dhaqan deegaanadaasi subaxnimadii saaka laga dareemayay walwal fara badan iyadoo ilaa haatan aan la xaqiijin cidda weerarkaasi qaaday inkastoo lala xidhiidhinaayo qolooyinka Ikhwaanu Muslimiinta ee dalkasi Masar oo iyagu taageersan hogaamiyihii hore ee xilka laga tuuray Mohamed Morsi.