Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar Caafimaad oo ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Saleban Maxamuud Aadan ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka diyaaradaha, waxaanu sheegay inuu soo dhamaystay hawl Caafimaad oo dalka kaga maqnaa, haatana uu guda gelayo hawlaha qaran ee u yaala.
Saleban Maxamuud Aadan waxa uu markii ugu horaysay fariin u diray Golaha Wada-tashiga Qaran iyo Toosinta ee dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa, kuwaasoo uu ugu yeedhay Miiska wada hadalka iyo inay badka soo dhigaan talo iyo toosin wixii ay hayaan, joojiyaana waa sida uu hadalka dhigaye Carqaladaha siyaasadeed.
Guddoomiyeha oo sida hadalkiisa lagaga dhadhansanayo ujeedada Imaanshiyihiisu salka ku hayso sidii u dhexdhexaadin uga geli lahaa Kooxda Golahan ku dhawaaqday iyo Xukuumadda oo wali liqi Hadafka Golaha, ayaa sheegay in tanaasul iyo Isfaham laga gaadhi doono muranka arimahan ka taagan.
Isagoo xusay inuu qayb ka noqon doono dedaal kasta oo lagu xalinayo arinta Golaha iyo Xukuumadda ka dhex aloosan.
Gobanimonews
Hargeysa Office