Saturday, July 13, 2013

Waayo-aragnimada iyo Waxqabadka Dr Cabdi Gaas, Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa.q2-aad


By: Siciid M. Gahayr




Markii uu Mareykanka tegay waxa uu Dr Cabdi Gaas qaatay koorasyo ka dhisa afka Ingiriisiga si uu uga gudbo labada sanno ee u horreeya waxbarashada Jaamacadda, isaga oo ka warramaya meelaha uu ka qaatay tacliinta sare, cilmigii uu bartay iyo qaar ka mid ah caqadibihii uu ka tallaabistooda u dhabar-adaygay  waxa uu yidhi “Waxa aan shahaadada koowaad ee Degree-ga ka qaatay City University oo ku taallaa New York aniga oo bartay xisaabaadka iyo maaliyadda (accounting and finance), halkaa waxa aan ka bilaabay shaqo markii ay iga dhamaatayna waxa aan u wareegay gobol kale oo la yidhaahdo New Jersey markii aan muddo halkaas joogay ayaan bilaabay shahaadada Masterta (MBA), anigoo hawshaas ku guda jira ayaa qolyo baadhitaanno ku sameeya dawladaha iskuullada iyo waxbarashada ayaa i qortay lana yidhaahdo(Certified Public Accountants) waxaanan bartay sida wax loo baadho, maareyta lacagaha iyo miisaaniyadda IWM.
 




 




Waad ogtahay kollaye haddii ay Mareykan iyo meelaha kale joogto waa inaad oggolaansho(license) u haysataa xirfaddaada gaar ahaan xisaabaadka haddii aad xisaabinta taqaanno markaa waxa aan noqday Xisaabiye bulsho oo sharciyeysan ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Certified Public Accountant, Gobolka aan joogay ee New Jersey waa ka adkaa kuwa kale marka aad rabto derejadaasna waxa la maraa imtixaan qalin iyo warqad lagu galo oo afar qaybood ah, ay tahayna inaad ugu yaraan laba ka mid ah gudubto. Kama niyad-jabin gaadhista himiladaydaas imtixaankaasna afar jeer ayaan ku guul-darraystay kolkii shanaad ayaan helay dhibcihii gudbitaanka ”




 




Guddoomiye Cabdi oo faahfaahinaya shaqooyinkii uu qabtay markii uu helay shahaadada masterta iyo habkii uu bartaas uga sii ambaqaaday tacliintiisa ayaa yidhi “Intaas kaddib waxa aan u wareegay maamulka iskuullada iyo aqoonta sare oo aan illaa shan iyo labaatan sanno ku foogganaa, waxa aan filayaa inaan ahay ninkii koowaad ee madaw, muslinna ah ee gaadha derejadaas ah maamulayaasha waaweyn ee dugsiyada iyo jaamacadaha ee welibana loo dhiibi jiray dugsiyada dhibaatada leh iyadoo la isleeyahay wax ha ka qabto. Shan sanno ayay igu qaadatay in shahaadada PHD-da oo ah takhasuska maamulka waxbarashada sare  aan ka qaato Jaamacad ku taalla Gobolka Pennsylvania oo u dhaw New Jersey taas oo aan hantiyay sanad-waxbarasheedkii 2003-2004, waxyaabaha aan ku bartayna waxa ka mid ahaa sida macallimiinta loo dabagalo loona tababaro, habka manaahijka loo dejiyo. Sababta aan u bartayna waxa ay ahayd inaan yeesho wax la igu qaddariyo maadaama oo aan joogo dal shisheeye welibana aan ahay muslim madaw, inaan helona waxa qayb ka ahaa anigoo ahaa qof tacliinta ku wanaagsan”.




 




Weydiin kale oo ahayd “Waayadaas aad qurbeha ku sugnayd waxa waddanka ka oognaa gulufyadii dib-u-xoreynta ee SNM horseedka u ahayd iyo tacaddiyo uu maamulkii milatarigu ugu gabbood-falay shacbiga Somaliland, adigu maxaad ka ogeyd arrimahaas, sideese loogala socda ciiddii aad kolkaas ku noolayd?” waxa uu Dr Cabdi Xuseen Gaas kaga warceliyay “Dhaqdhaqaaqyadii SNM ee dalka lagu xoreynayay waa laga dareemayay waanay ka jireen meel kasta oo dad Somaliland iyo kuwo ina taageeraaba joogeen, waxa jiray mudaharaadyo laga samayn jiray Mareykan iyo lacago laga soo diri jiray qof kastana ehelkiisa ayaa gudaha ku sugnaa oo ay ahaydna in uu ka warhelo. Tusaale ahaan xilligaa halganka lagula jiray Siyaad Barre aniga hooyaday muddo laba sanno ah ayaa god lagu riday lana waayay, ehelaydayda qaarkoodna waa ku geeriyoodeen sidaas ayaanay dhibaatadu u saamaysay ruux walba iyo xigtadiisa. Dhammaanteen hagardaamo ayaa ina wada gaadhay shakhsina kama uu dareen la’ayn.




 




Dr Cabdi Gaas oo aannu su’aalnay xilliyadii ay ugu darnayd iyo dhacdooyinkii ugu farxadda badnaa ayaa isagoo ku horreynayaa wakhtiyada adag ee ka soo gudbay yidhi “Dhanka wakhtiyada daran, shan sanno ayaan ku jiray siyaasadaha Mareykan gaar ahaan Dawladaha Hoose markaa waa lagu baadhayaa lagu dabagalayaa, waxa aan xasuusnahay mar aniga gaar ahaan ay been iga sheegeen dad ii cadaw ahi oo la igu raadjoogay, iyaga oo igu wanjalay in gabadh xil ahaan iga sarraysan ay ii dhiibtay lacag gaadhaysa hal milyan oo dollar iyada oo ujeeddadu tahay inaan ula baxsado dhanka Somaliland, xilligaas waxa aan ku maqnaa Gobolka Florida waxa loo yeedhay ciidamada sirdoonka FBI waxaana la hubiyay meel kasta oo aan ka shaqeeyay iyo wixii aan ka qabtay. Sababta laguu baadhayaa waa inaad tahay qof muslin ahoo magaciisuna Carabi yahay isla makaana gaadhay derejo sare. Waxa aan xasuustaa xaaskayga oo dabagalkaas awgii leh maad waddanka ka baxdid? Anna waxan doorbiday inaanan meelna u socdaan inta kiiska la af-meerayo. Dadku horumarka waa neceb yihiin, waxa aan garanayaa xilli habeen ah oo nin isoo weeraray dagaalna igu bilaabay markii aan maxkamadda tegayna caddayn ayaan u waayay falkaas.”




 




Dhanka farxadahayga waxa ugu weynaa markii uu dhashay wiilka carruurtayda ugu weyn oo la yidhaahdo Isaaq sababtoo ah waxa aan ahay nin madi ah”. Xagga qoyska waxa uu Dr Cabdi Gaas guursaday Nimco Yuusuf Xasan oo culuumta kalkaaliyaha caafimaadka baratay, waxaanu leeyahay laba wiil oo kala ah Isaaq oo sanadkii saddexaad ee Jaamacadda ku jira  iyo Guuleed oo ka mid ardayda dugsiyada Hargeysa.




 




Haddii aynu intaas kaga gudubno sooyaalka Dr Cabdi, waxa aynu qormooyinka dambe ku eegaynaa kagana warcelin doonnaa Maxaa Jaamacadda u qabsoomay dharaarahaas aynu ka soo gudubnay ee isugu jira guul iyo gaabisba, gaar ahaan intii uu Guddoomiyeha ka ahaa Cabdi Xuseen Aw Gaas? Maxaa ka qaybo ah? Qorshe noocee ayaa u yaalla? Higsiga iyo himiladeedu maxay tahay?




 




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)




saedmgahair@hotmail.com




Facebook: Saeed Mohamoud Gahair




Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista