Monday, July 15, 2013

Jamaal C. Xuseen: Xisbigii Tacabka badani iga Galay Guddoomiye Bangi kama Dooranayo”.


Hargeysa(GNA)-Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u daadefeeyay isla-markaaana war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warar sheegay in Madaxwaynaha Somaliland u Magacaabayo Guddoomiyeha baanka dhexe .




Jamaal Cali Xuseen oo wareysi kooban xalay khadka taleefanka ku siiyay Siciid Maxamuud Gahayr , ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ka jawaabaya waxa ka jira wararka ah in loo Magacaabayo Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland  ”Marka koowaad, waxa aan tacab u maray himiladayduna ahayd in aan u tartamo kursiga ugu sarreeya waddanka,waxaanan u taaganahay Madaxweynenimo, doorashadii dhacdayna  dedaal ballaadhan ayaanu u galnay sidii uu u soo bixi lahaa Xisbiga aan murashaxa u ahay ee UCID, maantana waa Allaa mahad leh oo UCID ma aha urur-siyaasadeed  ee Waa Xisbi Qaran. Nin hawshii uu halganka u soo galay cidla kaga dhaqaaqana lama arag”.




Jamaal Cali Xuseen, oo deba socda isla su’aashaasi ayaa sheegay in hore loogu soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda, balse uu diiday  ”Hore ayaan u diiday inaan qabto mansab ka sarreeya Guddoomiyeha Bangiga Dhexe ee Somaliland oo ah Wasiirka maaliyadda, haddii aan doonayo inaan bangi ka shaqeeyana waxaan joogi lahaa bangigii caalamiga ahaa ee aan ka qaadanayay mushahar ka badan ka Madaxweynaha” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray   ”Markaa cidda faafinaysa dacaayadahan raqiiska ah waxa aan leeyahay warkan aad ummadda kula meeraysanaysaan idinka socon maayo ee wax aad keentaan xogo bulshada u cuntama”.




Hadalka ka soo baxay ayaa daba socda warar soo baxayay maalmahan oo sheegayay in Jamaal Cali Xuseen loo magacaabayo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ka dib markii sida la sheegay khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe.




Khilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay aragtiyo kala duwan oo ay ka bixiyeen wadahadalada Somaliland iyo somaliya iyo wada socod la’aan siyaasadeed oo soo foodsaaray hogaanka Xisbiga, taasoo Jaamal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Musharaxa Madaxweynuhu gaar wax u wada wateen, Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale oo ka mid ah Hogaanka xisbiguna dhinac u wada socdeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office