Nairobi(GNA)-Xal ayaa laga gaadhay shaqo joojin afar todobaad ay ku jireen Macalimiinta Dugsiyada dawlada ee Kenya, oo ka cabanaya Mushahar yaraan iyo lacago kale oo ay dawladu hore ugu balan qaaday oo la siin waayay.
Ururweynaha Macalimiinta KENYA ayaa xalay ku dhawaaqay inay joojiyeen shaqo joojintii ay ku jireen afarta todobaad, una taasuleen sidii ay waxbarashada ugu sii wadi lahaayeen, go’aankaasoo saacado kooban ka dambeeyay markii ay dawladu ku dhawaaqday inay guud ahaanba Al-baabada u xidhayso Dugsiyada dawladu maamusho ee dalka oo dhan.
Wasiirka Waxbarashada Kenya Prof Jacob kaimyany ayaa shalay gelinkii dambe shaaca ka qaaday inay dawladu xidhayso Dugsiyada, isla markaana ay go’aan ka qaadanayso talaabada Macalimiinta ee shaqo joojinta.
Ka dib markii ay saaka Macalimiintu sheegeen inay dib uga xaadirayaan goobaha waxbarashada, Boqolaal kun oo Arday ayaa dib ugu soo laabtay dugsiyada, kuwaasoo ay afar todobaad ka dib Maanta isugu soo galeen Fasaladda.
Wariye ku saaka arroornimadii hore booqday Dugsiga hoose dhexe ee Magaalada Gaaris ayaa sheegay inuu halkaasi ku kulmay Arday tiro badan oo ku soo qul-qulayay Iskuulka iyo tiro macalimiin ah oo shaqada dib ugu soo laabtay.
Guddomiyaha ururka macallimiinta ee loo yeqaano KNUT, Wilson Sossion, ayaa sheegay in macallimiinta aan loo cagajuglayn karin.
Dowladda ayaa macallimiinta u soo bandhigtay hindise lacagta loogu kordhinayo, hase ahaatee, macallimiinta waxay sheegeen in aanay gaadhsiisnayn heerka ay doonayaan.
Shaqo joojinta ayaa saamayn ku yeelatay dhowr milyan oo arday ah oo dhigata iskuullada hoose dhexe iyo in ka badan 240,000 macallin, xili uu soo dhawyahay Imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee dawlada oo ay u fadhiisanaayan arday oo dhamaysatay Fasalka 8-aad iyo kuwa fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare.
Shago joojintaas iyo ismariwaaga dawlada iyo macaliimta ayaa ku soo beegantay xili ay Xukuumadda uhuru Kenyaati 100 Jirsatay.
Gobanimonews
Nairobi Office