Friday, July 19, 2013

Gobanimonews Cidna uga tanaasuli mayso Jiritaankeeda, Wargeyska Magacayaga Isticmaalayaana waa Tuugo.


 Warsaxaafadeed: Maamulka Guud ee Gobanimo News Agnecy                                                    20/07/2013




Magaalada Hargeysa Waxa maanta laga soo saaray Wargeyska laa yidhaahdo Gobanimo, kaasoo si tuuganimo u isticmaalaya Magaca Mareegta Gobanimonews oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa.




Arintan waxaanu u aragnaa mid ka baxsan Anshaxa iyo Asluubta Saxaafadda Somaliland, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee ay dhacdo in Hay’ad Warbaahineed oo dalka ka shaqaysa laga daba keeno mid kale oo la magac ah, taasoo abuuraysa iska hor-imaad iyo in Khilaaf noociisu ugub yahay ka dhex abuurmo Saxaafada Madaxbanaan.




Maamulka Gobanimonews uma arko oo qudha arintan hindise lagu aasaasay Wargeys wararka baahiya, balse waxaanu u aragnaa mid lagu carqaladaynayo Magaca iyo jiritaanka Mareegta Gobanimo news agency , taasoo ay ka dambeeyaan Kooxaha Caadaystay dabar-goynta iyo ku tacadiga Saxaafada Madaxabanaan ee waddanka oo tan iyo markii dib loo unkay aan marna ka baxsan Guluf iyo Giriif lagula tacaalayo inay korto.




Iyadoo laga dheregsanyahay inay jiraan ashkhaas hore Warbaahinta madaxbanaan uga dhex aasaasay Hay’ado warbaahineed oo ay ku sawirayaan noociyada Warbaahinta madaxbanaan, haatan waxa la soo gaadhay  in loo fikiro sidii loo curyaamin lahaa kuwa aan wali sharcigu u saamixin inay hoos yimaadaan nidaamka Maamul ee Somaliland ka jira, gaar ahaan Warbaahinta Online-ka.




Hadaba annagoo Ixtiraamayna Nidaamka iyo sharciga waddanka u yaala, kana hortageyna inay arinta noocan oo kale ahi noqoto mid sii socota, waxaanu Hay’ada arintani sharciyan khusayso  dawlada iyo Ururadda Saxaafadda Somaliland ka dalbanaynaa inaanu arintan dood sharci iyo dareen  culus ka qabno.




Sidaasi awgeed bahda Gobanimonews waxay dhinacyadan ka dalbanayaan inaan la dhayalsan arintan si dhakhso ahna loo waajaho wax ka qabashadeedda, waxaanan si gaar ah fariin ugu diraynaa Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland oo si badheedh ah arintan looga fuliyay, sida aanu warka ku hayno, laakiinse hada la leeyahay waxa wargeyskaasi la diwaan-geliyay Wakhti hore.




Ugu dambeyn, waxaanu cadaynaynaa in Gobanimo News agency ay ka mid tahay, kana soo mid ahaan doonto Warbaahinta madaxbanaan ee  ONLINE-ka ee ka hawl-gasha Geyga Somaliland,wax xidhiidh ahina aanu naga  dhaxayn wargeys ku sheega magacayga isticmaalaya.




Allaa Mahad leh




Tafaftiraha Guud ee Gobanimo News Agency




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




www.gobanimonews.com




Email: editor@gobanimonews.com