Hageysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay Ergo dhexdhexaadin ah u dirtay Golaha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee dhawaan lagu dhawaaqay, oo guluf siyaasadeed ku hayso tan iyo markii ay shaaciyeen siyaasiyiinta Aasaasay.
Xubno Ganacsato iyo dad kale oo Muxtarim ah ayaa la sheegay inay Ergadaasi qayb ka yihiin, kuwaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay kulamo hor-dhac ah la yeeshay xubnaha Golahaasi aasaasay, sida ay Ilo-wareedyo xogogaal ahi u xaqiiyeen Gobanimonews.
Wax faahfaahina lagama hayo nuxurka waxyaabaha ay kulamadaasi kaga wada hadleen xubnaha iyo Ergada xukuumaddu dirsatay, balse ilo-wareedyo hor dhac ah oo Gobanimonews heshay ayaa sheegay inay metelayaasha Goluhu shuruudo ku xidheen heshiis iyo macaamil dhex mara Xukuumadda inkasta oo aan shuruudahaasi wax xog ah laga hayn.
Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkan Warbaahinta dawlada ka sheegay inay wada hadalo la furayaan Xubnaha Golahan oo uu ku tilmaamay dad Ixtiraam iyo qadarin ka mudan waddanka, isla markaana talo iyo toosinba laga dhegeysan karo.
Muuse Biixi ayaa sheegay inay dawlada iyo xisbigeeda uu madaxda ka yahay toos u abaarayso la hadalka Masuuliyiinta ku bahoobay Golahan.
Dhinaca kale, Golaha Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo horaantii Bishan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, ayaa shalay iyo Maantaba waxa ay kulamo albaabadu u xidhanyihiin uga socdeen Hudheelka Scandinavian ee Magaalada Hargeysa, wax war ah se lagama hayo ujeedada kulamadaasi oo ay kii ugu dambeeyay maanta gelinkii dambe yeesheen.
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa dhinac isaga leexisay dhaliilo tiro badan oo ay u soo jeediyeen markii lagu dhawaaqay goluhu, iyadoo dhinaca kale ay ku furtay tashuush siyaasadeed oo ay ku xaaraantimaynayso aasaaskiisa.
Geesta kalena Golaha ayaa hadal-hayntiisu bulshada si weyn uga dhex muuqdaa, iyadoo Warbaahinta Dawladu diirada ku haysa dhaleecaymaha ku wajahan Golahaasi.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan dhexdhexaadinta ah ee laga dhex wado xukuumadda iyo Golahan ayaa hadii lagu guulaysto soo afjari doona muranka iyo yooyootanka siyaasadeed ee ka curtay todobaadkii hore markii ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin cul-culus oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo rag kale oo ay ku jiraan Mujaahidiin aad loo qadariyaa.
Gobanimonews
Hargeysa Office