Adriano Galliani ayaa sheegay inaysan macquul aheyn in Zlatan Ibrahimovic uu ku soo laabto AC Milan madaama uu xiddigaas qaato mushahar qaali ah.
Xiddiga reer Sweden ayaa ka tagay San Siro oo ku biiray PSG xagaagii hore, laakiin waxaa lala xiirinayay inuu ku soo laabanayo Serie A ka dib markii kooxda Faransiiska ay 64 milyan euro ku soo iibsatay Edinson Cavani.
Laakiin madaxweyne ku xigeenka Milan ayaa sheegay inaysan suurtogal aheyn in Ibra uu mar kale xirto maaliyada Rossoneri, halka sidoo kale uu sheegay in Roma ay dhanka dhaqaalaha kaga badisay saxiixa Kevin Strootman.
“Waxaan qabaa inaysan macquul aheyn in ciyaaryahan sida Zlatan Ibrahimovic uu ku soo laabto Italy” ayuu Gallaini u sheegay Sky Sport Italia.
“Waxa uu qaataa mushahar aan laga bixin karin horyaalka Talyaaniga.
“Strootman waa ciyaaryahan weyn. Anaga xitaa sannad ayaan ceyrsaneynay, laakiin lacagtiisa ayaa qaali aheyn waana ka tagnay. Xilligan la joogo Milan qaali ayay ku tahay 20 milyan euro.”