(GNA) Dabley la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihin kooxda Islaamiyiinta Boko Haram
ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa ku dhawaad afartan iyo labo qof ku dilay magaalooyin ku yaala Waqooyi bari dalkaas.
Dadka la dilay ayaa badankood waxay ahaayeen arday iskuuley ah,macalimiin, shaqaale gargaar iyo dad kale oo shacab ah.
Afhayeen u hadalay Milatariga Nigeria ayaa dhimashada ku sheegay labaatan qof, inkastoo qasaaraha dhabta ah ee weerarka lagu qiyaasay afartan iyo labo qof.
Haliru Aliyu oo ka mid ah dhaqaatiirka isbitaal lagu magacaabo Potiskum oo ku yaala Waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in dalbley hubeysan ay marka hore tureen bambaanooyin kadibna ay xabado fureen, taas oo qasaaraha dhimashada badisay.
“Waxay aheyd xilli adag in aan dareenkeyga cabiro, waayo niman hubeysan ayaa si kadis ah goobta waxbarsho iyo isbitaalka usoo galay iyagoo anan cidna la hadlin waxay bilaabeen in bambaanooyin ay tuuraan kadibna xabado ay fureen”waxaa yiri Haliru Aliyu
Dhaqtar Aliyu ayaa u sheegay warbaahinta caalamiga ah ee dalka Nigeria in dhaawacyada ay kor u dhaafayaan afartan lagana yaabo in qasaaraha uu sii kordho.
Goob jooge codsaday in magaciisa aan la shaacinin sababa xagga amaanka ah oo dagan goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Khamiistii aan kasoo gudubnay ay dileen Milatariga Nigeria ku dhawaad laabatan iyo labo dagaal-yahano oo ka tirsan kooxda Boko Haram,sidaas darteedna weerar uu u egyahay mid Boko Haram ay ku aar gudanayaan.
Islaamiyiinta lagu eedeeyay weerarka ayaan wali ka hadalin dhacdadan iyadoona cabsi xoogan ay xilligan ka jirto degaanada Waqooyi bari ee Nigeria.
Boko Haram ayaa waxay weeraro ba’an marar badan ka geystay inta badan gobollada Nigeria iyagoona ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Lagos.
Kooxda Boko Haram ayaa dowlada Nigeria waxay sheegtay in xiriir dhaw oo wada shaqeyneyd uu kala dhaxeeyo urur weynaha Al-qaacida iyo Xarakada Al-shabaab oo dagaalo sanado qaatay kawada gudaha Soomaaliya.
Dadka ku nool Nigeria oo ka kooban Mislimiin iyo Masiixiyiin ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal diimeed meel xun gaaray, taas oo keentay inay xoogeystaan weerada ku saleysan diimaha ee dadka reer Nigeia dhexmara.
Gobanimo-Desk