Tuesday, July 16, 2013

Hargeysa:Xil-wareejin Dibada soo Dhigtay Awoodda xad-dhaafka ah ee wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka


Hargeysa (GNA)Xil-wareejintii maanta ka dhacday wasaaradda caafimaadka Somaliland oo xilka loogu kala wareejinayey Agaasimaha cusub ee wasaaradaas iyo Agaasihii hore, ayaa badka keentay Awood qarsoon ay wasaaradda ku maamusho wasiir-ku-xigeenka wasaaradaasi Nimco Xuseen Qawdhan oo hore aan dibadda ugu soo bixin.




Munaasibaddan oo ka dhacday xarunta wasaaradaas, ayaa waxa  goobta ka muuqday jawi aan qarsoonayn oo laga dheehan karayey awoodda ay wasiirkani ku dhexleedahay shaqaalaha iyo hawl-wadeenada wasaaradda oo ay ka soo yeedhaysay oo afkooda mar walba ku ballaadhinayey  magaca iyo shaqada ay wasiiradu hayso oo mar walba mudnaanta la siinayey.




Dhamaanba shaqaalaha wasaaraddaasi gaar ahaan madaxda sarsare oo iyagu nasiib u helay inay munaasibadda ka hadlaan ayaa si badheedh ah u carrabaabayey  wanaag iyo horumar aan afkooda dhaafsiisnayn oo ay kula dul kufeen wasiir Nimco qawdhan, taas oo shaaca ka qaadday sida ay wasiirkani ugu xididaysatay dhamaanba  waaxyaha kala duwan ee wasaaradaas.




Mucjisada kale  ee goobta ka dhacday, ayaa ahayd in goobta laga waayey hal qof oo ka mid shaqaalaha wasaaradaas oo magic-dheba wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Xuseen-xoog oo muddo gaaban xilka ka sii maqnaa, islamarkaana ah hormoodka  majaraha u  hayey hor-u-kacii ay ku tallaabsatay wasaaradaasi, maadaama uu muddo saddex sano ah wasiir ka ahaa.




Cidkasta oo uu ugu horreeyo wiilkii xidhiidhinayey munaasibaddu, waxa ay ku nuux-nuuxsadeen hawl karnimo iyo maamul wanaag ay kala masuugeen wasiir Xoog oo ay dusha  ka saareen wasiir-ku-xigeenkaas, kuwaas oo la garan waayey meesha ay ka dhaafeen ciddii uga sarrayay masuuliyadda wasaaraddaas.




Dhinaca kale waxa ay wasiir-ku-xigeenka qudheedda oo goobta ka hadashay tilmaantay, islamarkaana dusha iska saartay wax  dejinta iyo meel marinta siyaasado farabadan oo ay sheegtay inay ka mid yihiin wax-qabadkoodii mudadii saddexda sano ahayd ee ay  xilka haysay balse aan wali la dhaqan gelin oo ay Agaasimaha cusub dhegta ugu ridday in hirgelin tooda laga sugayo, kuwaas oo aanay caddayn sababta ay u hirgelin wayday muddadii saddex sano ahayd ee ay xilka  haysay.




Sidoo kale waxa ay wasiiraddu u sheegtay Agaasimaha cusub inuu la jaanqaado Hannaanka wada-shaqayneed ee wasaaraddaas oo ay tilmaantay inay Hareeraha hayaan koox dhallinyaro oo u dabran hawlahooda shaqo.




Ugu dambayntii wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo sida la hubo ay si aad ah isugu dhaw yihiin marwada koowaad ee qaranka marwo Aamina-waris, ayaa awood ka badan midii uu sharcigu siiyey ku dhex leh wasaaradda caafimaadka, waxase ay su’aali ka taagan tahay waxa ay kala yeelayaan wasiir xaglo-toosiye oo la hubo inuu yahay shaqsi aan ka kaban waxa uu xaq u leeyahay, laguna xanto inuu yahay Tigtaytar aan cidna u joojin.




Axmed Timo




Gobanimonews




Hargeysa Office