Tuesday, July 16, 2013

Hargeysa: Dhalinyarro Xukuumadda ugu Baaqay in Xoriyadiisa loo soo celiyo Wiil Muddo Dheer Xukun la’aan ugu Xidhan Xabsi


“Waxaanu Leenahay Madaxweyne; Dhalinyaradda waxaa lagu Haystaa Sharci darro, waanay dhaaftay mudadii sharcigu xadiday baadhista”-Amiin Cali Nuur.




Hargeysa,  (GNA) – Qaar ka mid ah dhalinyaradda iyo ciyaartoyda degmada 26 June ee caasimada Hargeysa, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen garoonka kubada Kolayga ugu jeediyay Xukuumadda inay si shurud la’aan ah ku soo dayso muwaadin mudo 6 bilood ah u xidhan Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan).




Waxa ugu horayn ka hadlay Xamse Cabdi Aaden oo sheegay in muwaadin Axmed Ibraahin Axmed oo mudo 6 bilood ah uu ku xidhan yahay sababo aan la garanayn, taas oo aanu aragno buu yidhi in awood dawladeed ama ciidan oo ah sharci darro lagu haysto.




 Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Amiin Cali Nuur oo isna sheegay in Axmed Ibrahin Axmed xadhigiisu yahay mid sharci darro ah, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka ciyaartoyga, kana kala nimid meelo kala duwan, waxaan halkan isugu nimid maanta (shalay) in aanu shirka jaraa’id u qabano oo Madaxweynaha ka dalbano inuu sababta loo haysto Axmed Ibraahin Axmed iyo Maxamuud Ibraahin Salaad oo kiis argagixiso oo aan la cadayn mudo 6 bilood ah u xidhan, islamarkaana, aan ilaa hadda maxkamad la marin. Waxaana lagu xidhay oo hadba lagu hayaa xarunta CID-da iyo saldhigyo kala duwan. Ilaa hadadna, lama cadayn wax ay sameeyeen iyo wax loo haysto midna. Waxaanan madaxweynaha fariintan u diraynaa anagoo dhex taagan garoonka Timacade ee uu sidda nabadgelyadda ah dhawaan u soo booqday, ugana tagay. Waxaanan u malaynayaa in aanu Madaxweynuhu la socon kiiska ninkaas dhalinyarada ah. Waxaana aanu leenahay Madaxweyne dhalinyaradda waxaa lagu haystaa sharci daro, waanay dhaaftay mudadii sharcigu xadiday baadhista. Markaa waa in sidda ugu dhaqsaha badan loo soo daayo.” Sidaas ayuu yidhi Amiin Cali Nuur.




Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay Garyaaqan Muuse Yuusuf Maxamed oo ka mid ah garyaaqanada da’ada yar oo kiiskan mudada dheer ka war hayay, waxaana uu yidhi. “Xukuumadda, Golayaasha sharci dajinta iyo Garsoorkaba waxaanu u sheegaynaa in xadhiga Axmed Ibraahim sharci daro yahay, oo aanu muwaadinkaasi helin xuquuqdiisii iyo xaqii uu u lahaa Garsoor arrintiisa ka garnaqa.”




Ugu dambayntii ciyaartoyga iyo waayeelka halkaas ka hadlay waxaa ay Xukuumada ugu baaqeen in sidda ugu dhakhsaha badan loo soo daayo Muwaadinkan iyo in muwaadiniinta laga daayo haddimadda iyo xadhiga sharci daradda ah oo ay tilmaameen inuu keeni karro dhibaato culus iyo mudaharaadyo aan loo maaro helin aakhirka.




Hargeysa




Gobanimonews




Hargeysa Office