Hargeysa (GNA) - Kulan aqoon iswaydaasi ah oo ku saabsan dhibaatooyinka ka dhasha gudniinka fircooniga ah, kufisga iyo waliba Waxyeelada xannuunka HIV-gu, ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen Golaha Wakiiladdu, laguna soo casuumay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida culimada diinta, dhakhaatiirta caafimaadka, u doodeyaasha xuquuqul iinsaanka, warbaahinta, qaar ka mida dadka la nool xannuunka HIV AIDS-ka iyo wayne aad u tiro badan.
Kulankan oo ay ujeeda ugu wayn ee laga lahaana ay hayd in uu golaha wakiiladu xeer ka soo saaro wax ka qabashada dhibaatooyinkaas aynu soo sheegnay.ayaa lagu qabtay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawlada, waxana ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Mudane Dr.Axmed Maxamed Nuur (kijaandhe) waxaanu sharaxaad ka bixiyay kulankan iyo ujeedadiisa.
“Kulankani waxa uu ku saabsan yahay sidii wax looga ogaan lahaa dhibaatooyinka ay ka midka yihiin kufsiga, gudiinka fircooniga ah (FGM) iyo xannuunka HIV-AIDS-ka. Ujeeda laga leeyahayna waa in bulshada laga qayb galiyo oo lagala tashado.”ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
Gudoomiyaha ururka Haweenak ee NABAAD marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi oo halkaasi iyana hadal ka jeediysay ayaa waxay sheegtay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay bulshada kala kulmaan dadka la nool xanuunkan HIV AIDS-ka.
“Qofka uu ku dhaco xannuun dhaliyaha HIV-gu dadku dhibaato aad u badan bay u gaystaan, waxaana laga yaabaa in bulshada laga dhex saaro oo la takooro. Marka bushadu soo dhawayn waydo qofka la nool xannuunkan ayaa waxa uu isna sameeyaa falal aargoosi ah. Markaa waxaan leeyahay dadkaasi waxay u baahan yihiin xanaanayn iyo ka warhayn dheeraad ah maadaama oo ayihiin dad aad u jilicsan oo taageero u baahan.”ayay tidhi.
Dr. Axmed Daahir oo ka mid ah Saraakiisha ka hawl-gala Hay’ada dawliga ah ee halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xaruntan aan, waxa jooga dhakhaatiirtii oo isugu jira rag iyo dumar, booliskii, gabadh sharci yaqaanad ah oo talo siisa qofka dhibtu ku soo dhacday. Ujeeda xaruntan loo asaasay waa in qofkii dhibtu ku dhacday uu ka wada helo wixii uu u baahnaa.”
Dr. Axmed Daahir waxa kale oo ka hadlay tirade kufiga ah ee ay xafiis ahaan diiwaan galiyaan, waxaanuu yidhi “Kufisgu aad buu u soo badanayaan annagu xafiis ahaan waxa bilkasta nooyimaada celcelis ahaa ilaa 15-kiis oo kufsi ah bilkasta, taasina waxay muujinaysaa sida uu kufsigu kor ugu kacay.”
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi oo isna kulankaa hadalkooban ka jeediyey ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada uu bulshada ku hayo xannuunka HIV AIDS-ku, waxaanuu yidhi “Xannuunkani waa mid dhibaato badan ku haya bulshada, waxaanuu baabiiyaa oo la dagaalamaa difaaca jidhka. Xanuunkan runtii waa masiibo qaran waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah wax looga qabto.”
Sh. Aw libaax oo isna ku hadlaayey afka culimada ayaa ka waramay waxa ay diinta islaamku ka qabto kufsiga iyo gudiinka,waxaanu Sheekhu bulshada u soo jeediyey in loo naxariisto dadka la nool dadka la nool xannuunka HIV-ga loona muujiyo naxariis, diinteena islaamkuna ay ina farayso in laysku naxariisto.
“Dhibtooyinkan aynu ka hadlayno dadka loo gaysto waxa ugu badan dumarka mana aha wax inagoo qudha inagu kooban ee aduunkoodhan bay ka jirtaa, laakiin waxa lagu kala fiican yahay sida wax looga qabto. Waxani waa dambi markaa waa in aan dhaqan lagu xalin. Golaha wakiiladana waxaan leeyahay waa in aad ka soo saartaan xeerar iyo go’aano waxtar leh oo arrimahaas wax lagaga qanayo.”sidaasina waxa tidhi Amina Milgo.
Kulankan oo intii uu socday Dood dheer laga yeeshay dhamaan arimaha lagu soo qaaday waxa ugu dambayntii laysla qaatay in layska kaashado sidii wada jir wax looga qabay lahaa wax kastoo bulshada dhibaato ku keenay siiba kufisga, gudniinka iyo waliba xannuunka AIDS-ka.
Mudane Axmed Maxmed Nuur (Kijaandhe) ayaa waxa uu ka soo qayb layb galeyaashii kulanaas u sheegay in ay gole ahaan dhawaan soo saari doonaan xeerku saabsan waxka qabashada arrimahan, talooyinkii ay kulankan laga soo jeediyeyna ay ku dabaqi doonaan xeerkaas ay soo wadaan.