Monday, July 8, 2013

War Deg Deg Ah: Weriye Lagu Dilay Gaalkacayo


Gaalkacyo(GNA):-Allaah ha u naxariistee waxaa goor dhawayd lagu dilay magaalada Gaalkacayo  Weriye Liiban C/llahi Faarax oo ku magac dheer (Liibaan Qaran).




Weriyaha  la dilay ayaay kooxo aan la aqoonsan oo ku hubasan Baastoolado ku toogteen caawa gudaha magaaladda Gaalkacayo,intaa kadibna waxaa la sheegay kooxdii dilka gaystay ay baxsadeen.




Wariye Cabdilaahi Faarax ayaa ka hawl gali jiray  la dilay jiray Weriyayaasha Tv-yada Dalka gaar ahaan SBC iyo Tvga Kalsan.




Wariyaha oo laga qaaday goobtii lagu toogtay ayaa loola cararay cisbitaalka dhanka koonfurta ee magaalada Gaalkacayo halkaas oo aan nolol lagu gaadhsiin.