Somaliland mudadii ay jirtay waxyaabo badan bay ku guulaysate.
Guusha waddanka u soo hoyatay waxaa ka mida hannaanka dimuqraadiyadeed oo ay dhamaystirtay. Nabadgelyadda mudada dheer aan dheeliyin ayaa iyana sabab u noqotay inuu yimaado koboc xaga ganacsigaa ahi.
Kobocaasi ganacsi miyuu keenay koboc dhaqaale mise muu keenin ayaa isweyndiin leh.
Mid lama beenin karo oo korodhka ganacsiga laftiisa ayaa ah aasaaska korodhka dhaqaalaha. Qoraalkan waxaynu ku egaynaa bal halka ay marayso xaalada dhaqaale iyo in xaaladaasi ay tahay mid lagu
diirsan karo iyo inkale.
Korodhka Dadka iyo Korodh La’aanta Dhulka Mr. Malthus waxa uu ahaa dhaqaale yahan u dhashay waddanka Ingiriiska oo noolaa qarnigii 19aad horaantiisii. Nadariyadiisa cilmiga dhaqaalaha ama (Malthus Economic Theory) waxay odhanaysay “marka ay dadku bataan isla markaana dhulka ay waxkala soo baxayaan aanu kordhayn, dadka inta siyaadada ah waxa laynaya waxyaabaha ay ka midka
yihiin cuduro, gaajo iyo masiibooyin dabiici sida abaarahaha iyo daadadka”.
In muddo ah ayaa fikirkaasi ay dhaqaale yahanadu aaminsanaayeen oo markaasi korodhka dadka ay sas ka qabeen, maadaama ay u arkayeen musiibo aan la maarayn karin.
Mr. Malthus kadib dhaqaalayahanadii reer galbeedku way fikireen oo waxay bilaabeen inay soo saaraan nadariyado kale oo markaasi ay ku durayaan oo ay ku beeninayaan fikirkii Mr. Malthus. Xaqiiqdiina way guulaysteen oo markaasi waxay Yurub ka hirgalay casrigii warshadaynta. Warshadayntu waxay suurtogelisay in dadkii faraha badnaa shaqo loo helo iyo in uu waxsoosaarku kordho oo markaasi uu dhaqaalaha waddanku kor u kaco.
Waxsoosaarkii beerahana waa la casriyeeyay oo waxa lasoo saaray waxa loo yaqaano tayaynta ciida beerta iyadoo lagu daraayo waxa loo yaqaano “Fertilizers”.
Taasina waxay keentay in waxsoosaarkii beeruhu ay aad u bataan. Waxsoosaarkii beeraha markii meel lakala dhigo lawaayay ayaa la bilaabay xitaa in mararka qaarkood la gubo. Waxa kaloo la bilaabay in cuntada saaidka ah ee reer galbeedku ay soo saaraan loo dhoofiyo wadamada saboolka ah oo ilaa maanta socota.
Mr. Malthus fikirkiisii ahaa maadaama aanu dhulku korahayn, dadka soo kordhaa dhibaato ayay
lasoo kordhayaan halkaasi ayaa lagaga adkaaday. Dhinacna waxaad moodaa in wali fikirkiisii sii socda oo wadamada reer galbeedka dhashu aad uguma badna oo markaa waxaa la odhan karaa fikirkaasi Mr. Malthus haba yaraatee saamayntiisu may wada hadhin. Caajisninmada ka jirta wadamo African ah oo ay Somaliland ku jirto ayaa ku soo xasuusinaysa fikirkii Mr. Malthus.
Marka aan bulsho Muslim ah nahay marnaba ma banaana inuu ina saameeyo fikirkaa Mr. Malthus. Laakiin waxaa lagama maarmaan ah in bulshada maanta Somaliland ka jirta, dawlad iyo shacaba, waxaa loo baahan yahay in dhinacyo badan wax laga tusaaleeyo. Mr. Malthus nadariyadiisa wadamada laaday Somaliland ma ka mid baa mise? Haddaynaan ilaa hadda fikirkaasi laadin maxaa inala gudboon in aynu ku dhaqaaqno?
Xoolo Dhaqatada Xaaladeedu waa Sidee?
Cilmiga waxa loosoo bartaa in bulshada xaaladeeda waxlagaga bedelo.
Dadkii aqoonta soo bartayna haba yaraadaane waynu haynaa? Hadana
waxbaa inaga khaldan.
Somaliland dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool, dhaqaalaheedana sanadkii (GNP) waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay 2.4 Billion Doolarka Maraykanka ah. Dhaqaalahaasi markaasi ama gacanta dawladda haku jiro ama gacanta shacabka haku jiree. Boqolkiiba 70% waxa uu dhaqaalahaasi ka yimaadaa xoolaha nool. Marka doolar ahaan loo rogo qabyta ay xoolaha nooli sanadkii ina soo geliyaan waa 1.68 Billion.
Qaybtaasi waynee xoolaha nooli ay waddanka soo geliyaan masii socon doontaa? Hadaan waxisbedelin jawaabtu waa maya. Aan waxoogaa idin tusaaleeyo. Xaalada xoolo dhaqatada aynu yara odorosno. Waxa markhaati madoona in dhaqitaanka xoolaha nooli ay aad usii yaraanayso.
Waxa dhaqitaanka xoolaha sii yaraynayaa waa dhowr sababood. Sababta koowaad waxa weeyaan dhulkii xoolaha lagu dhiq jiray oo xaalufay. Sababta labaad waxa weeyaan abaaro soo noqnoqday oo halkii berigii hore 10kii sanno hal mar abaar la arki jiray haatan labadii sanno hal mar ayay timaadaa abaar xumi. Sababta saddexaad waxa weeyaan dadkii xoolaha dhaqi jiray oo badidoodu ay magaalooyinka soo galeen.
Sababta afraadna waxa weeyaan reer miyigii oo bartay isticmaalka mukhaadaraadka jaadka oo markaasi si aan xad lahayn inta xoolahoodii u iibiyaan ugu bedelanaya jaadka. Xaalada xoolo dhaqistu xaalkeedu waa kaa.
Kaalintaas waafiga ahay ee xooluhu ay dhaqaalaha waddanka kaga jiri jireen markaa sababahaasi awgood ayaanay usii waarahayn.
Warshado La’aan (Tiknoolaji La’aan) Warshadana hadalkoodaba daa. Marka laga reebo warshadaha biyaha iyo kookaha, waxa soo raacaa waa wax aan macno lahayn. Markaa korodhkii dadka sideebay Somaliland u maaraynaysaa? Illaahay (SWT) wuxuu inoo sheegay inaanu qoomna xaaladooda bedelin ilaa ay iyagu xaaladooda
bedelaan. Dhalin yarada miyiga kasoo gashay ee ay xoolihi ka baxeen iyo kuwa iskuulada kasoo baxay maxaynu u haynaa? Xagaynu ka shaqaalaysiinaynaa? Boqolkiiba 70% dhalinyarada waddanku waa bilaa
shaqo. Ganacsatada iyo dawladu waajibkooda miyay kasoo baxeen?
Run markaynu isu sheegno waxa loo baahan yahay in hab dhaqankeena aynu waxka bedelno. Haddaan waxsoosaarka waddanku si degdeg ah aan waxloogu soo kordhin oo aan warshadayn degdeg ah aan la samayn, xaalada waddanku xumaan ayuun baa usii kordhaysa ee taa hala ogaado.
Maxaa Inala Gudboon ?.
Horaa loo yidhi “waari mayside war hakaa hadho”.
Waxaan leeyahay qayb kasta oo mujtamaca reer Somaliland ahi waajibkeeda haka soo baxdo.
Aqoon yahanku hakeeno fikirkii waddanka wax lagaga bedeli lahaa oo daraasaad iyo qoraalo haka soo saaro. Siyaasigu talada haka qaato aqoon yahanka oo markaasi daraasaadka uu aqoonyahanku soo saaray siyaad waxqabad hawbedelo.
Ganacsaduhuna hawsoo jeesto warshadaynta waddanka oo wixii iska cad een daraasad u baahnayn sida warshadaha sibidhka, kalluumaysiga, iyo xoolo naaxinta hawsoo jeesto oo hamaalgeliyo. Wixii daraasad u baahanna ganacsaduhu hala kaashado aqoon yahanka iyo dawladda. Markay cid waliba sidaasi waajibkeeda uga soo baxdo waxa imanaya iskaashigii loo baahnaa. Carqaladahana waa laga gudbi karayaa.
Maalgelina waa la helayaa. Maalgelinta waxna inagaa hayna oo isku dardarayna waxna maalgashi caalami ah ayaynu u raadinaynaa.
Hadal wuxuu ku dhan yahay fadhiga halaga kaco oo gacmaha halays qabsado, markaasaynu fikirkii Mr. Malthus laadaynaa sidii ay reer Yurub hore u laadeen. Markaasaynu Somaliland ka dhigi karnaa
waddan beesha caalamka dhexdeeda sharaf iyo karaamo ku leh.
Weedha Aqoonyahanka
hargeysa/somaliland