Tuesday, July 9, 2013

Dalka Singapore oo ay mamnuuc Cunista Xanjadu, maxay tahay sababtu?


Qoraalkan oo ku saabsan dhacdooyinka iyo la yaabka dunida ayaan maanta diirada ku saarnay mowduuc aad looga yaaban yahay caalamka oo dhan  kaas oo ah in dalka Singapore ay mamnuuc ka tahay in xanjo lagu dhex cuno amaba lagu iibiyo.
Inkastoo ay jiraan qaanuuno aad u yaab badan oo Singapore ka jira ayna laga maarmaan tahay in aad baratid hadiiba ay kugu soo dhacdo in aad mar uun aad  booqatid, haddana qaanuunka ugu sii yaabka badan ayaa ah in iibinta iyo cunista xanjada la ruugo ay tahay danbi aad u weyn oo sababi kara xabsi muddo ah, haddii aad nasiib leedahay waxaa laguugu simayaa in aad bixisid ganaax aad u badan..!
Sababta ugu horeysa ee loo mamnuucay ayaana lagu sheegay kadib markii magaaladu ay noqotay hoyga ganacsiga iyo dalxiiska caalamka, dabadeed dad malaayiin ah oo kala dhaqan iyo diin ah ay usoo tamashleyn tagaan magaalada, taasoo dhalisay in xanjada lagu cuno dabadeed kuraasta lagu dhejiyo, ugu danbeyn qaar ka mid ah dalxiisayaashu ay dacwado badan kasoo gudbiyaan.
Laga soo bilaabo 2004-tii ayaana la sheegayaa in wadanka Singapore ay gabi ahaanba mamnuuc ka tahay in xanjo lagu dhex cuno ama lagu dhex iibiyo, wax yaabaha ugu horeeyay ee markaad Airport-ka tagtid lagaa baadhayo ayeyna kow ka tahay xanjadu.