Friday, July 19, 2013

M. Sh. Cumar:Agaasimayaasha waxaan kaga jiray 2-aad, waxaanan ka soo Jeeda Buuhoodle, Ninka Xilka layga qaadayna waa Reer Gabiley


Hargeysa(GNA):Maxamed Sheikh Cumar oo laba maalmood laga soo saaray Xafiiskii loo magacaabay ee Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga somaliland, ayaa ka waramay sidii loo wan-jalay iyo qaabka ay ku timi magacaabistiisa iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay todoba maalmood ka dib markii uu xilka la wareegay.




Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay in Digreeto Madaxweyne lagu magacaabay, balse uu Wasiir ku-xigeenka Ganacsigu mu’aamarad uu soo aloosay shaqada kaga joojiyay shan maalmood ka dib xiligii uu shaqada la wareegay.




Maxamed Sheikh Cumar Xasan oo ah masuul ka soo jeeda Deegaanka buuhoodle, ahna Nin Oday ah oo mudo dheer ku soo dhex jiray Maamulka iyo dawladnimada, waxa uu cadeeyay in C-V-giisa mudo dheer ka hor madaxtooyada Somaliland la geeyay, isla markaana uu xil suge ahaa ilaa markii c-v-giisa loo geeyay madaxweynaha.




Isagoo ugu horayn ka waramaya sidii ay wax u dhaceena waxa uu yidhi "Magaceygu waa Maxamed Sheekh Cumar Xasan, kadib markii aan digreetadii ku soo baxay ayaa waxaan tagay wasaarada ganacsiga oo waxaan u tagay Wasiirka, dabadeed waan isku sheegay Wasiirkii, dabadeed si fiican ayuu I soo dhaweeyey wasiirku oo Telefoonkii ayuu iga qortey waxaanu igu yidhi burrito ayaa xilka laguugu wareejinayaa, berridii ayaan imi, waxa uu Wasiirku isugu yeedhay Agaasimayaashii waaxaha sidaa ayaa xilkii la igu wareejiyey oo aan anna ku hawlgalay, markii aan shaqeynayey muddo todobaad ku dhawaad ah, ayaa waxa ila soo xidhiidhay Wasiir kuxigeenka Wasaarada aan ka shaqeynayey Bashiir Cabdi Xariir, waxaanu igu yidhi ninyoow ismaynaan wareysane anigu waxaan ahay nin Habar-yoonis ah, adiguna yaad tahay, waxaan ku idhi waxaan ahay ?Nin dhul-bahante ah oo reer Buuhoodle ah oo KHAALIDA, markaa waxa uu igu yidhi berrito ayaa haddii ILAAHAY idmo aynu isa sii wareysanaynaa ee aynu isku nimaadno, markaan ayaan ugu jawaabay waa-yahay".




 




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Berritadii ayaan isu-nimid, markaa aan isku nimid ayaa waxa jirey marti-qaad aan ka helay Wasaarada qorsheynta qaranka, dabadeed waxaan tagay wasaaradii qorsheynta qaranka, dabadeed aniga oo Wasaaradii qorsheynta fadhiya ayuu Wasiirkiina noogu yimid, waxaanu igu yidhi Wasiirku waxa ku doonaya Wasiir ku xigeenka ee is-raaca, wanaan isa soo raacnay waxaanu nimid Wasaaradayadii (Ganacsiga), kabacdii waxaanu galnay xafiiskayagii oo aanu fadhiisanay, waxaanu Wasiir kuxigeenkii u yeedhay agaasimihii waaxda maamulka, markaasu weydiiyey, markaasu igu yidhi meeyey File-kii aan xil-wareejinta kugu sameynay, markaas ayaan ku idhi waakan waxaanu saarey miiskiisi, ka bacdina waxa uu ii sheegay inuu xaley la soo xidhiidhay Wasiirka duulista hawadu in magacan aanu ahayn magacaagii, ee uu yahay magaca nin Tanzania ka imanaya oo ah AKISHE.Markaas ayaan ku idhi "Anigu Akishe mayhi ee waxaan ahay ninkaasi dhul-bahante," Sidaas ayuu shaqadii igaga joojiyey"




 




Mar la weydiiyey Maxamed Sheekh Cumar Xasan inta cisho ee uu ka shaqeynayey wasaarada Ganasiga Somalilandm waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi"Waxaan shaqeynayey maalintii aan isaga soo sheegay iyo ilaa maantadan la iga joojiyey shan cisho,"




 




Sidoo kale, mar la weydiiyey sida uu u arko xilka loo magacaabay ee hadana laga qaaday, waxa uu ku jaabay “Waxaan u arkaa arrintan, arrin aan wacnayn, sababta oo ah waxa aniga I magacaabay madaxweynaha noockasta oo Wasiir ahina  ima magacaabin, waxaanan ku soconayaa magacaabista madaxweynaha”




 




Mar la weydiiyey inuu la kulmay madaxweynaha xilka Agaasinimada u soo magacaabay  waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Madaxweynaha maanaan wada kulmin, laakin CV-gaygu wuu yaalay madaxtooyada, oo waa la isku shaqeeyaayo ragg odayaala oo qaarna dhinteen ninkii la odhan jirey Alle ha u naxariiste Cabdilaahi Shariif ayaa CV-ga iga soo qaaday, odayaal kalena way jireen".




 




"Aniga ayaa shalay tagay madaxtooyada waxaanan la kulmay odayga protocol-ka Madaxtooyada iyo ragg uu ka mid yahay oo way ka xumaadeen arrintaa igu dhacday, waxaana ii yeedhay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, waxaanu igu yidhi Warqadii magacaabistu wataa, waxaanan siineynaa ninkii kale, kabacdii arrintaasi aad ayaan uga xumaaday oo waxaan ku idhi"Hadaad bixinaysaan-ba (Warqada magacaabista) maxaad iigu yeedheen" oo waa magacaygii Maxamed Sheekh Cumar Xasan, haddii uu magacu khaldamo CV-yadu iskuma khaldamaan nin aanu isku da’anahayna maaha anigu ninka lixdan jirka ayaan ahay, isaguna waa ninka dhowr iyo sodon jirka, markaa CV-yadii ha la isku eego meelaha lagu dhashay, meelaha wax laga bartey oo taariikh nololeedka oodhami wuu is-khilaafsan yahay. Markaa Wasiir kuxigeenku igamuu garowsan,markaas anna waan soo baxay, kabacdii markii aan soo baxay isaguna (Bashiir) wuu iga soo daba-baxay oo waxa uu igu yidhi kelmad aan ka xumaaday oo waxa uu la hadlay nin Askariya oo koofiyad Cas ah oo waxa uu ku yidhi "Ninkaas ka saara madaxtooyada, dibna yaanu u soo gelin, halkaas markay mareysay waan istaagay waxaan damcay inaan la dagaalamo wasiir kuxigeenka ganacsiga, laakin waxaan xasuustey meesha aan taaganay inay tahay madaxtooyada, anigu nin-weyn oo odey ah ayaan ahay, laakin in baddan ayaan meesha taagna nasiib-wanaag ninkii Askariga ahaa ilama hadlin oo juuq ima oodhan oo wuu xishooday oo wasiir kuxigeenka ayuu sidaas u sii eegay"




Mar la weydiiyey go’aanka uu qaadanyo ee la  gudboon  Maxamed  Sheekh Cumar Xasan waxa uu yahay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Go’aanka aan qaadanayaa waxa weeyaan go’aankii uu madaxweynuhu igu soo magacaabay ayaan ka war-sugayaa”.




Mar la waydiiyay aragtidiisa ku aadan in khaladkan oo kale laga hortago wuxuu yidhi “anigu waxaan u arkaa in dadka la magacabayo C.V-yadooda lagu soo dhajiyo Sawiro, si aanay dib u dhicin sidan oo kale”.




Gobanimonews




Hargeysa Office