Riyadh(GNA)-Maxkamad ku taala Waddanka Sucuudiga ayaa Xabsi u dhexeeya 18 bilood ilaa 15 sanadood ku xukuntay 11 Ruux oo ay ku jiraan Dad Ajaanib ah oo ka tirsan Ururka Al-qaacida, sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka ee Dawlada sucuudigu jimcihii shalay.
Dadka ayaa qaarkood qirteen inay Dhalinyaro sucuudiyaan ah ku dhiiri geliyeen inay ka talaabaan xuduudka Siriya iyo Sucuudiga si ay u dagaalamaan, halka kuwo kalena lagu haysto inay xidhiidh la leeyihiin Hogaamiyayaasha Dhigtaytarka ah iyo Al-qaacida.
Ragan ayaa qaarkood lagu helay cadaymo muujinaya inay tababaro la xidhiidha sida Hubka loo isticmaalo iyo isqarxinta ku soo qaateen Xeryaha Shabakadda Al-qaacida, sida ay ku warantay Warbaahinta Sucuudigu, waxaanay intaasi ku dartay Warbaahinta sucuudigu in kooxdan qaarkood xidhiidh la lahaayeen dad ku lug lahaa Dhalinyaro lagaga Uruuriyay dalka sucuudiga oo u socdaalay xuduudka si ay uga qayb qaataan dagaalka Suuriya.
“Dambiyada lagu haysto ragan waxa ka mid ah inay taageereen Weeraro laga fuliyay gudaha Boqortooyada Sucuudiga iyo Xuduudka, kuwaasoo loogu yeedhay Taageerada dawlada iyo inay ogolaadeen inay Dilaan xubno ka mid ah Milateriga” sidaasi waxa sheegtay Wakaaladda wararka ee SPA.
11 qof ayaa qayb ka ahaa Koox 15 qof ahaa oo Kiisaskan loo soo qab-qabtay, laakiinse 4 kale wax xukun ahi kuma dhicin, ama maxkamadu xukun kumay ridin, waxaana la sheegay inay kooxdan iyo Qareenadda u doodayay Rafcaan ka qaateen go’aanka Maxkamada.
Dawlada Sucuudiga ayaa Bishii hore xukun adag ku riday 18 Nin oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la lahaayeen Ururka Al-qaacida, waxaana xukunkaasi khilaaf ka dhex abuuray Suniyiinta Xag jirka ah iyo Muslimiinta Waddankaasi.
Dhinaca kale Saraakiisha dawlada sucuudiga ayaa laga soo xigtay inay kordhayaan Kooxaha Suniga dhexdhexaadka aha ee u talaabaya dalka si Suriya si ay uga qayb-qaataan Dagaalka lagula jiro Dawlada Bashar al Asad si xukunka looga tuuro.
Gobanimonews
Riyadh Reporter