Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Pérez ayaa qadka taleefanka kula xadhiidhay xiddiga kooxda Tottenham ee Gareth Bale si uu u ogaado wax yaabaha iska soo taray laacibka ee ku aadan in xagaagaan uu ku biiro kooxda Real Madrid.
Florentino Pérez ayaa ku adkeeysanaya in uu dhameeys tiro hishiiskaas isaga oo xusay in saxiixa Bale uu u yahay mid aad ugu muhiimsan xilli Tottenham ay marba wax ku darayaan qiimaha Gareth Bale .
Madaxa kooxda Real ayaa ku dooday in Gareth Bale uu weli rajeynayo in uu u soo wareego Real Madrid balse uu diidan yahay in kooxdiisa cadaadis saaro isla markaana uu ka war sugayo wadahadalada labada koox .
Florentino Pérez ayaa xusaya in wado waliba oo uu ku helayo tareenka duula ee Tottenham uu u marayo isla markaana ay jiraan ciyaartooy hore oo qal qaalada Bale wax ka wada ayna ka mid yihiin Zidane , Luis Figo iyo Beckham .
Waxaa xusid mudan in suuqa kala wareegga ciyaartooyda uu furan yahay illaa iyo 31- bisha August waxa ayna weli Real Madrid haystaan fursad.