Saturday, July 6, 2013

Barcelona Oo Bojan krick Amaah Ku Siisay Ajax.


Barcelona ayaa ku bayaamisay website-keeda rasmiga ah in Bojan Krkic uu amaah hal sanno ah ugu biiray kooxda Ajax ee dalka Holland.




Kooxda heysata horyaalka Netherlands ayaa dooneysay inay xoojiso kooxdeeda ka dib markii ay ka tageen xagaagan Ryan Babel iyo Miralem Sulejmani, waxaana ay u arkeen 22 jirkaan Bojan mid wax ku soo kordhin kara kooxda.




Weeraryahanka ayaa ka soo baxay akadeemiga Barcelona, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu boos ka helo kooxda Catalans.




Waxa uu ku soo laabtay kooxda xagaagan ka dib amaah aan lagu guuleysan oo uu ku joogay Roma iyo AC Milan, waxaana uu haatan u ciyaari doonaa Ajax.




 




 




Kooxda Amsterdam ka dhisan ayaa fursad u heysata inay sii dheereystaan amaahda ay Bojan ku heleen xilli ciyaareed kale hadii ay doonaan.