Saturday, July 6, 2013

Ciidamada Booliiska ee Magaalada London oo Shaaciyey Inay Qabteen Koox Wiil Somali ah


London (GNA)- Ciidamada Booliiska  magaalada London ayaa sheegay inay gacanta kus oo dhigeen sadex nin oo loo heysto dilka,  Maxamed Caydaruus Cabdullahi oo ahaa wiil 20 jir ah oo lagu dilay todobaadkii hore bartamaha magaalada London . raggan oo mid ka mid ah ciidamada Interpol ka soo qabteen isagoo ka dhoofay dalka Ingiriiska.




Dilka Maxamed ayaa ah mid si weyn uga naxeen Jaaliyada Soomaalida ee London, illaa iyo hada macada kooxdan sababta ay u dileen wiilkan Soomaaliyeed oo ahaa Arday Jaamacada dhigta.




Dilkan oo habeenkii Jimcaha 29ka June ka dhacay bartamaha magaalada London xaafada York Way in Holloway, halkaasi oo boolisku ka heleen isagoo dhaawacyo culus qabab islmarkaana ay u qaadeen cisbitaalka  Royal London Hospital,  oo ku geeriyoodey, waxaa loo heystaa dilka wiilkan inay geysteen sadex nin oo Cadaan ah oo lagu kala magacaabo: Calvin Jerelle Collins 19 sano jir, Kyle Sober-Froud 19 sano jir iyo Dea n Winston, 19 sano jir.




Maxkamada Hendon Magistrates’ Court today.ee magaalada London, ayaa saddex nin la hor geeyay iyagoo ku eedeysan dilka wiilka 20 jirka dhalashadiisuna  tahay Somali.




Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in raggan ay ku khaldameen wiilkan ay dileen oo la sheegay inuu u e’kaa wiilka kale oo ay raadinayeen. dilka lagu kaco dhilinyarada Somalida ku dhaqan dalka ingiiiska gaar ahaan magaalada London ayaa sii kordhaya taasoo waalidiin badan ku mashquulsan yihiin xalinta dhibaantadan iyo sababaha keenay.