Ururka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa shaaciyay in Cameroon ka joojiyeen ka qeyb galka dhamaan tartamada caalamiga ah illaa muddo aan la cayimin sababo la xidhiidha dowlada dalkaas oo soo fara gilisay arimaha ururka kubadda cagta dalkaas .
Qoraal ka soo baxay FIFA ayaa lagu yidhi ” gudiga xaaladaha deg deg ee FIFA waxa ay xayiraad saareen ururuka kubadda cagta Cameroon sababo la xariira fara gilin ka timid dowlada dalkaas”.
” Sharciyada FIFA waxa ay xusyaan in ururada gudaha in arimahooda iyaga maamushaan si madaxa banaan oo aan laheyn fara gilin” ayaa la sii raaciyay qoraalka FIFA.
FIFA ayaa sheegtay in ay dhisayaan gudi dib u eega xaaladda ururka kubadda cagta Cameroon isla markaana soo abaabulaya doorasho .
Cameroon ayaa haatan hogaamineysa Group-ka ay kaga jiraan is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ee sanadka 2014-ka ka dib markii ay ka soo badiyeen qaranka Togo ka hor hal wareeg inta uusan soo xidhmin tartankaas.