Friday, July 5, 2013

Marco Verratti Oo Laga Yaabo In Uu Noqdo Badelka Xabi Alonso Ee Real Madrid.


Warbixino ay qorayaan wargeysyada Talyaaniga ayaa sheegaya in wakiilka ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda PSG ee Marco Verratti uusan qorshaha ka saarin in ay dhici karto in laacibka xagaagaan uu ku biiro Real Madrid.




Wargeyska Corriere dello Sport ayaa ka soo xiganeysa wakiilka Verratti xaqiijinta ah in ay dhici karto in laacibkaan u dhashay Talyaaniga uu tababarihiisii PSG Carlo Ancelotti kula midoobo Real Madrid xilli Ancelotti uu xiiseynayo arintaas.




Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay baadi goobayaan xiddig qadka dhexe ka ciyaara maadaama Xabi Alonso laga yaabo in kooxda uu ka huleelo xagaaga dambe xilligaas oo uu hishiiskiisa uu dhamaanayo .




Warar horay u soo baxay ayaa sheegayay in Real Madrid ay ka fikarayaan in ay iibiyaan laacibkaasi maadaama kooxda si weyn loola xariirinayo xiddigo ay ka mid yihiin İlkay Gündoğan iyo Marco Verratti.