Marka hore waxaan salaam gaar ah u tebinayaa bahda saxaafadda Somaliland guud ahaanteed,
Marka xiga waxaan maanta qalinka u qaatay inaan bulshada indheer-garadka ah ee reer Somaliland u taabto Shakhsiyadda Faysal Cali Waraabe oo sidii galawga baf-baf leeyay markii Wasiir Xirsi meel-dhow kaga soo baxay si hufanna u tilmaamay Wax-badan oo bulshada reer Somaliland ka qarsoonaa oo ay ugu horayso Khiyaamada uu Kula dhex-jiray Wufuudii reer Somaliland ee hore iyo haddaba uga qayb-galaysey wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ku dhex marayey Wadamada UAE, UK, iyo wadanka Turkey-ga ee hadda lagu balansanyahay in ay gondaha isku daraan labada waddan ee Somaliland iyo Somaliya, waxaase mahadho ah Markii Faysal Cali Waraabe oo ay caado u tahay in had iyo jeer Miyir Qab iyo Waali loo kala saari kari waayo Hadaladiisa iyo Af-caashiisaba uu usoo saftay weftigii iyo xubnihii Soomaaliya uga qayb-galayey wada hadalada labada wadan isagoo markasta garabka saarayey soona dhawaynayey soo jeedimaha iyo afkaarta reer soomaaliya oo aad moodo sida uu u hadlayo Lixdan jir walla-wayn ah ugu yaraan, Hadaynu tusaale fudud usoo qaadanno Wali maynaan arag Faysal Cali Waraabe oo umaddeena reer Somaliland fagaare iyo meel-kale toona ugasoo jeedinaya in uun wax u Dan ah ama umadda isu soo jiidaya, taa badalkeedana aad mooddo in uu Faysal mashruuc kusoo qaatay Fidnaynta, Naxliga Uur-xumadu weheliso ee uu geed-gaaban iyo mid dheerba la koray si uu u kala dilo umadda walaalaha ah ee reer Somaliland.
Ugu dambayntii waxaan leeyahay Faysal waynu aragnaa in uu caqliga ka arradan yahay afkana ka Waraabe yahay oo hadii uu xataa ina iibsan karayo uu saacad wax uu cuno ina siisan lahaa Ilaahayse kama dhigin oo maanta ayeynu ugu Rajo-wanaagsanahay oo aynu haysanaa Madax iyo Maamul Xilkooda ka adag, Wasiiro ina Difaaca, Kuwo ina Daryeela, Kuwo Cadawga iyo Wakhtiga Adag inagala dabaasha. Ee ilaahay ha ina garan siiyo Faysalna hadal Iskaga Khasaarin Maayo oo Waano Lix-jirkiisii Lagala quustay Lixdan-jirkiisa ku daali mayo.
By: Shide Maxamuud Mire.