Saturday, July 6, 2013

Eng. Faysal:Inan yar oo Al-shabaab ahi Hargeysa Iigu Hanjabi Maayo ee Shacbigu ha kala doortaan Xirsi iyo Dalka”






Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si cadho leh uga Jawaabay eedeymo uga  yimi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali xaaji X. Xasan oo shalay ky eedeeyay Khiyaamo qaran iyo inuu gacan saar la leeyahay Dawlada somaliya, sidaasina lagaga reebay weftiga Somaliland ee ka qayb-gelaya shirka wada-hadalada somaliya iyo Somaliland.




Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Xisbigiisa ee Magaalada Hargeysa wuxuu si kulul ugu eedeeyay Wasiir Xirsi inuu dhamaan Awoodii waddanka ee Madaxweynuhu lahaa uu la wareegay, kana masuul yahay Qabyaaladda, kala qoqobka, rabshadihii Doorashada ka dhacay iyo Khal-khal kasta oo ku yimaada siyaasadda dalka.




“anigu waxaan idiin sheegayaa inaanu Inan yar oo Al-shabaab ahi Hargeysa iigu hanjabaynin, dalkana waa loo talinayaa oo lagu eegi maayo, shacbiga Somaliland waxaan leeyahay kala doorta Somaliland iyo Xirsi”.ayuu Faysal Cali Waraabe.




Eng. Faysal ayaa sidoo kale ku Eedeeyay Wasiirka Madaxtooyada Xukuumadda siilaanyo Musuqmaasuq iyo inuu sabab u yahay gad’oonka Somaliland ka jirto Dalalka Caalamka, isagoo tibaaxay in dhawr jeer Madaxweyne Siilaanyo loo soo jeediyay inuu bedelo saddex nin oo Xirsi ugu horeeyo.




“Berrigii Rayaale waddanka haystay waxa lagu eedeyn jiray inuu lacagta Dekedda Madaxtooyada ku shubto, maanta hadaad aragtaan Lacagtii dekedu waxay ku dhacdaa Madaxtooyada, Tii Haamaha Shidaalka , tii Maxjarka iyo tii Waddooyinkuba waxay ku dhacaan xafiiskiisa, waxa kale oo lunsaday lacagtii Cashuurta loo saaray horumarinta Gobolada Bari ee 2% oo meel ay ku dambeysay lama yaqaano.”ayuu sheegay.




Guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa kale oo uu sheegay inuu ka niyad jabay qaabka ay u socoto siyaasadda Waddanku, waxaanu dhinaca kale markii u horaysay dibada soo dhigay kulamo uu Wasiir xirsi la yeeshay Madaxda somaliya, markii ay waddanka Imaarataadka booqashada ku tageen Madaxweyne siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminaaya.




Faysal Cali Waraabe oo ay wajigiisa maanta ka muuqatayu cadho iyo kulayl uu ka qaaday eedeymaha wasiirka Madaxtooyada Somaliland u soo jeediyay, ayaa yidhi “Xirsi wuxuu ahaa Ninkii shalay labada Gaadhi Madaxa ka jaray ee Reerkooda ku yimi Inqilaabaan ridayaaye Ciidan I siiya ee lagu yimi maxaad hasyataa ee aad ku dagaalami, ee yidhi waxaan hasytaa 11 Nin iyo laba Gaadhi, dabadeed la soo qabtay ee halkaa lagu soo xidhay.




Waa Ninkii Telefoonkii uu ku hadlayay markii la baadhay laga helay Telefoonadii raga Al-shabaab ee uu la hadlay ee uu ku yidhi kaalay Somaliland baan qabsanayaaye, waa Ninka laga hayo xiligii Daahir Rayaale Madaxweynihii ayaan Baaskoolad ula galay oo waxaan is-idhi intaad ku dhufato Kursiga ma ku fadhiisataa”ayuu yidhi.




Dhinaca kale waxa uu Faysal Cali Waraabe qiray inuu Magaalada London kaga qayb-galay xaflad ay samaysteen Jaaliyada somaliyeed ee Uk, khudbadna ka jeediyay, geesta kale Madaxweynaha somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ku soo salaamay isla xaflad London ka dhacday, isagoo arimahaasina ku tilmaamay kuwo aan dhaliil looga soo jeedin Karin, wax lagu dhibsadaana aanay ku jirin.




Mar  uu sharaxayay  Doorkii uu ku lahaa shirkii Magaalada Stanbul iyo Anchor ka dhacay bishii March ee ay wada yeesheen Somaliland iyo somaliya, waxa uu yidhi “shirkaa markii aanu kulanay annaga iyo weftigii somaliya ee wasiirada ahaa waxaanu ka soo saarnay qoraal is-afgarad, kaasoo aanu geynay kulankii madaxweyneyaasha ee Anchor, qoraalkaa aanu soo saarnay waxa lagu murmay madaxweyneyaashu hakala saxeexdaan, dabadeed markii lays mari waayay ee qoladii somaliya yidhaahdeen Declaration-ka wax saxeexa loogama baahna, anigaa idhi waa waxba yaanay madaxweyneyaashu saxeexine labada wasiir ha wada saxeexaan, ka dib sidaasaa laysku waafaqay.




Xirsi Aqoon daradiisa wuxuu yidhi markii aanu Anchor, tagnay waar aynu mid labada madaxweyne saxeexayaan ka dhigno oo aynu hordhigno intaynu innagu bedelno, ka dib markii subixii laysu yimi ayaa annagoo Hudheelkii ka quraacanayna uu qabiyay Qoraalkii oo labada madaxweyne saxeexayaan dabadeed markii ay sidaa u eegeen qoladii somaliya way yaabeen, waxaanay wasiirkii arrimaha dibada Maxamed Cabdillaahi ku yidhaahdeen maxay sidani ku dhacday, ka dibna wuxuu ku yidhi waxba maahee waanu xalinaynaaye iska daaya.”




Markii shirkii dhamaaday waxa nalugu yidhi madaxweynuhu wuxuu la kulmayaa Raysal-wasaaraha Turkiga , waxaana raacaya laba xubnood, anigu markaa runtii maan raacin, waxaanan ku darnay Wasiir maxamed Cabdilaahi iyo Xirsi, ka dib markii kulankii Raysal-wasaaruhu dhamaaday, ayaa maxamed cabdilaahi yidhi Raysal-wasaare waxa jira Declaration aanu soo saarnay oo aanu doonayno inaanu saxeexno, waanu aqbalay oo wuxuu yidhi keena oo halkan ku kala saxeexda, dabadeed kii hore ee aan anigu soo jeediyay ayaa sidii lagu kala saxeexday.”ayuu yidhi.




Axmed Timo




Gobanimonews




Hargeysa Office