Kismaayo(GNA)Wararka ka imanaya Deegaanka Goob-weyn ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay maanta weerar qaadma ah ku ku qaadeen deegaankaasi oo ay xarun ciidan ku lahaayeen taageerayaasha Col. Bare Adan Shire, kana saareen halkaasi Xoogaga Barre Hiraale.
Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay guud ahaanba la wareegeen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Barre Hiraale.
Lama sheegin deegaanka uu u baxsaday Barre Hiiraale hasa yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciidankii Kenya ee halkaasi gaadhay bilaabeen tacadiyo ka dhan ah Bulshada Rayidka ah.
Mareegta Allbanaadir, ayaa ku warantay inay Kufsi iyo dhibaatooyin kale kula kaceen dadka halkaasi ay ugu tageen.
Col. Barre Hiraale ayaan ka hadlin weerarka lagu qaaday ee lagu Baacsaday Xoogagii Daacadda u ahaa, wuxuuse hore u sheegay inuu ka garab Dagaalamayo Kooxda Al-shabaab oo fadhiisimo ku leh agagaarka Magaalada kismaayo.
Gobanimonews
Muqdisho Office