Thursday, July 18, 2013

Faahfaahin: 3 qof lagu Dilay Magaalada Gaashaamo iyo deegaano hoos yimaada iyo Dhaawac Burco la keenay


Gaashaamo(GNA)-Laba  Qof lagu Dilay Degmada Gaashaamo ilaa Lix kalena waa lagu dhaawacay, ka dib markii xalay Nin hubaysani Rasaas Ooda kaga qaaday maqsin Jaadka lagu iibiyo oo ku yaala Magaalada Gaashaamo ee Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya.




Sidoo kale wararka la helayo Deegaamada Gaashaamo ayaa sheegay in Maanta  Nin kale lagu dilay deegaan wax yar u jira degmada Gaashaamo, kaasoo ay dileen Koox dablay ah oo aan la aqoonsanyn haybtooda.




Labada Nin ee lagu Dilay Magaalada Gaashaamo, ayaa la sheegay in Nin hubaysan oo ka mid ah dadka ka Ganacsada jaadka, ayaa la sheegay inay halkaasi ku dhinteen, waxaana ka mid ah Nin ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle oo magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Ismaaciil Xaaji Axmed Ducaale oo ka mid ahaa Ganacsatada Jaadka u kala qaada deegaamada Gaashaamo iyo Buuhoodle, halka ka kalena u dhashay Deegaamada Gaashaamo ee lagu dilay.




Goob-joogayaal ku sugan Gaashaamo, ayaa  Gobanimonews u sheegay in Ninka falka geystay Qori la soo galay Maqsinka Qaadka ee Magaalada,ka dibna uu rasaas Ooda kaga qaaday dadkii Meesha ku jiray oo dhan, taasoo sababtay dhimasha labada Ruux iyo Dhaawaca Lix kale oo mid ka mid ahi dhaawac halis ah qabo, loona soo qaaday dhinaca Magaalada Burco.




Goob-joogayaasha ayaa intaasi ku daraya inaan la soo qaban Kooxdii Dilka geysatay oo markii falkaasi fuliyeen baxsaday, isla markaana is-rasaasayn mudo socotay dhex martay Ciidanka amniga ee Magaalada iyo dad isku dayay inay soo qabtaan, kuwaasoo ku guul-daraystay inay gacanta ku soo dhigaan.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Gaashaamo iyo Hay’adaha amaanka oo la xidhiidha dilkan foosha xun, balse wararka aanu ka helayno dadka deegaanku waxay intaasi ku darayaan in labada qof ee dhintay Maydkooda ay la wareegeen Ciidanka degmadu,walina lagu dabo joogo Kooxdii dilka geysatay, halka  kuwii dhaawacmay oo dhamaantood Rag ah  loo soo qaaday dhinaca Magaalada Burco.




Geesta kale Nin kale ee lagu Dilay Deegaankaasi ayaan wax faahfaahin aah oo dheeraada laga haynin  sababta ka dambeysa dilkiisa iyo  waxa ilaa hada laga qabtay, iyadoo Khadka Isgaadhsiinta ee deegaankaasi uu yahay mid adag, isla markaana ay noo suurto geli waydo inaanu ku helno Maamulka degmada iyo saraakiisha amaanka.




Dilalka ka dhex dhaca Bulshada Rayid ah ee Deegaamada Kilalka Shanaad, gaar ahaan kuwa ku teedsan Xuduudka Somaliland ee dhinaca Gaashaamo, ayaa ah kuwo soo noqnoqda, waxaanay inta badan salka ku hayaan Aannooyin qabiil.




Gobanimonews




Burco Office