Dubai(GNA)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (duur), ayaa la sheegay inuu ku suganyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ka dib warar laysla dhexmarayay oo sheegayay inuu Xamar ka degay.
Ilo wareedyo masuulkan ku dhaw ayaa sidaasi Gobanimonews u xaqiijiyay Caawa, ka hor intaanay soo bixin uu beeniyay wararka lagu baahiyay Warbaahinta oo lagu Sheegay in uu Joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Maxamed Nuur Caraale(duur),ayaa sheegay Sheegay in aanu waligii ka tageyn dalka Somaliland ee uu ahaanayo nin Reer Somaliland ah hadii laga wada tago xataa.
"Somaliland waligay kama tagayo ilaa Qofka u dambeeyaa ka tago, meeshaan shalay madaxda ka ahaana waligay ka tagi maayo anigu"Sidaa waxa yidhi Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Duur sida ay baahisay Mareegta Hadhwanaag.
Dhinaca kale arinta ku saabsan tegitaanka Duur ee xamar ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalooyinka Somaliland, ka dib markii warbaahinta online-ku warkaasi sheegtay, iyaga oo soo xiganaya dad ku sugan Muqdisho.
Arintan oo aan wali la kala cadayn jiritaankeeda dhabta ah, ayaa amakaag iyo yaab ku noqotay Bulshada reer Somaliland, waxaanay dadka qaar sheegeen inay talaabadaasi ku noqonayso duur mid nusqaan ku keenta sumcadiisa.
Saddex todobaad ka hor ayaa xilka wasiirnimada laga xayuubiyay Duur, ka dib sanad iyo dhawr bilood oo uu ahaa wasiirka arrimaha Gudaha.
Gobanimonews
Hargeysa Office