Thursday, July 18, 2013

Borama: Golaha Deegaanka iyo Bulshada Rayid ah oo ku Muransan Dhisme laga dhisay Jid Hal-bowle ah


Borama(GNA)-Xil. Cabdi Cismaan Dhagawayne, Xil. Xasan Miigane, Xil. Rooble Xoosh, Xil. Kacab, Xil. Doone Iyo Xil. Sh. Ibraahin oo ka mid ah Golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa Maamulka dawlada Hoose ee degamadaasi ku eedeyay Dhisme laga dhisay mid ka mid ah waddooyinka Halbowlaha u ah Magaalada.




Sidoo kale waxa ay ku dhaliileen madaxda D/Hoose sida ay ugu dhiiradeen inay dhismahan ogolaadaan, waxaanay ugu baaqeen inay ka laabtaan sida ugu dhaqso badana u joojiyaan dhismahan.

Dhinaca kale dhismaha ayaa waxa kale oo uu sababay in dadka la jaarka ah sariibada iyo haweenka hilibka ka ganacsada ay labaduba ka kala bixiyaan aragtiyo kala duwan,kuwaasoo qaarkood ku tilmaameen mid dhibaato ku soo kordhinaya waddada, qaarkoodna soo dhaweeyeen.




"Waxa aan ka rabnaa D/Hoose inay ka noqoto dhismahan, waxa yaable waxa jid banaanaa dib u xidhaya, wadadu labada dhinacba way ka soo yaraatay, waxana suura gal ah in dad kale ay ku daydaan oo ay iyaguna dhistaaan sidaas darteed, waxa aan rabnaa in la joojiyo”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Odayaasha goobta dhismahaasi laga dhisay jiiraanka la ah.

geesta kale, Haweenka ka ganacsada hilibka ayaa sheegaya in dhismahani faa’ido u soo kordhinayo "Waxa weeyaan faaiido noo soo korodhay, waxa uu kayd u noqonayaa lafahii aan daadin jirnay, waxa uu xarun u noqonayaa dhismahani meel ay dad badani shaqo ka helayaan, waa mid dan guud ah mana qabo inuu yahay mid wax u dhimaya wadada, waanay ku saxsan yihiin madaxda dawlada hoose sida ay meel u dhaw adeega hilibka uga dhiseen dhismahan"ayay sheegtay Haweenay ka mid ah dadka Sariibad halkaasi ku taala ku ganacsada.




Sidaasoo ay ku kala doodayaan Xildhibaanada iyo Bulshada rayidka ah ee dhulkan ka hadlay, Maayarka Boorama iyo madaxda kale ee D/Hoose ee ay dhaleecayntani ku socotay ayaa ka gaabsaday inay saxaafada uga waramaan waxa ka jira eedaha loo soo jeedinayo. 

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee muran dhinaca dhulka ahi ka soo ifbaxo gudaha Boorama, waxana uu kan u dambeeyay ku biirayaa kumanaanka kiis ee muranka dhinaca dhulka ah ee ka jira BOORAMA isla markaana aanan wali loo helin xal muuqda.




By: Fihiima Yaasiin Muuse




Boorama