Baydhabo(GNA)-Ciidamada AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay ammaanka magaalada Baydhabo iyo goobihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya oo si rasmi isaga baxay magaalada muddo sanad iyo bar kadib.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM oo wata gawaarida qafilan iyo kuwa dabaabaadka ayaa la wareegay xarumihii Ciidamada Itoobiyaanka kaga sugnaayeen gudaha iyo daafaha magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen ciidamada oo fariisimo ka sameysanayay Warshadii Xasey ee ahaa fariisimaha ugu weyn ee Itoobiyaanka, sidoo kale waxaa ay degeen Madaxtooyada Baydhabo, koontaroolka laga soo galo iyo baro kale oo muhiim ah.
Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo lagu arkay taangiyo iyo gawaarida gaashaaman.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu si buuxda ula wareegeen ammaanka magaalada, isagoo ka gaabsaday inuu faah faahiyo goobaha ay degeen.
Col. Xumad ayaa sheegay in aanay dhici doonin fursad amni daro, waxaana uu xusay inay la wareegi doonaan meel walba oo ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, marka laga reebo meelaha aanay u saamaxeyn inay gaaraan ciidankooda.
Laakiin shacabka qaarkood ayaa walaac ka muujinaya in ciidamada AMISOM ay awood u leeyihiin sugidda ammaanka Baydhabo iyo ka hortagga weerarro ay Al-shabaab kusoo qaaddo.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya oo wata gawaaridooda ay dhanka galbeed uga baxeen magaalada, iyadoo aan la ogeyn halka ay tegayaan.
Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay ku wajahan yihiin degmada Xudur ee xarunta Bakool iyo degmada Diinsoor, inkastoo la sheegayo inay si guud uga baxayaan Gobolada Bay iyo Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay Baydhabo bishii Febraayo ee sanadkii hore, kadib markii ay ka saareen Xoogagii Shabaab oo muddo saddex sano ka talinayay magaaladaasi.
Gobanimonews
Muqdisho Office