Detroit(GNA)-Magaalada Detroit ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay ceyrowday.
Magaaladan oo sidoo kale loo yeqaanno magaalada gawaadhida, ayaa lagu yeeshay deyn dhan 18 bilyan oo dollar.
Maammulka magaalada ayaa doonaya in laga badbaadiyo kuwa deynta ku leh, oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda.
Go'aankan ayaa magaalada ka badbaadinaaya bixinta lacagaha howlgabka iyo adeegyada caafimaad ee shaqaalaheeda.
Detroit, ayaa sanadihii tagay, waxaa soo wajahay dhaqaale xumo uga timid hoos u dhaca wax soo saarka warshadaha sameeya Baabuurta , caanshuurta soo gasha oo yaraatay iyo falal dembiyeed badan oo ka dhacay.
Guddoomiyaha gobolka Michigan oo ay Magaaladani ka tirsantahay ayaa sheegay "Dhibaatada dhaqaale ee magaalada Detroit waxay soo billaabatay 60 sano ka hor"
Guddoomiyaha gobolka Michigan ee ay Detroit ka tirsan tahay, Rick Snyder, ayaa sheegay inuu oggolaaday go'aanka uu gaadhay maammulka magaalada.
Waxaa uu sheegay in dhibaatada dhaqaale xumo ee magaalada ku habsatay ay soo billaabatay 60 sanno ka hor, balse tallaabadan, ay ka caawin karto inay soo kabato.
Mas’uuliyiinta ayaa ku rajo weyn in magaaladu ka baxdo fashilka dhaqaale ka hor intaan la gaadhin dabayaaqada sanadka soo socda.