(GNA) Beerka waxaa ku dhaca cuduro badan, waxana ka mid ah cudurka la yidhaado Joonis-ka (Hebataytis) waxana uu u kala baxaa dhawr nooc oo kala ah joonis A, B, C, D iyo E.
cagaariyuhu maaha cudur ee waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto infectionka beerka ama hebataytiska, waana marka indhaha, maqaarka, kaadida iyo saxarada qofku ay akhtar ama cagaar noqdaan.
Joonis-ka oo dhami waxa ay leeyihiin calaamada lagu garan karayo kuwaas oo kala ah indhaha, maqaarka oo midab Hurdiya yeesha, daal, calool xanuun, cuntada oo kaa xidhanta, shuban iyo matag.
Dadka qaarkiis waxa laga yaabaa in aan lagu arkin calaamadahaa ilaa xanuunku uu meel xun gaadho. Ta kale, sida la i sugu gudbiyo virusyada cudurka jooniska keena aad ayey u kala duwanyihiin taas ayaana u baahan in aad looga taxadiro.
Hebataytiis A
Sida uu u fido Waxa la isugu gudbiyaa marka cuntada iyo biyaha taabtaan ama la falgalaan saxaro ka timid qof qaba cudurka. Way yartahay in cudurka la isugu gudbiyo dhinaca dhiiga.
Yaa khatar ugu jira in Joonis uu ku dhaco Dadka Socdaalka badan, dadka ku nool meesha uu Hebataytis A uu ku badan yahay, dadka saaxiibka la ah dadka qaba cudurka, meelaha caruurta lagu xanaaneeeyo marka cudurku uu dilaaco iyo dadka kuwa irbadaha la isku muddo wadaaga.
Sidee looga hortegi karaa Jooniska Talaal. Waxa jira talaalka hebataytis A. Waxa kale oo wanagsan in la iska ilaaliyo biyaha fadaraysan iyo in la ilaaliyo nadaafada guud. Dawada Inta badan qofka wuu iska bogsada dhowr todobaad ka dib.
Hebataytis B (Hepatitis B)
Sida loo kala qaado Virus-ka waxa laga helaa dhecaanka qofka qaba hebataytiska sida candhuufta, dhiigga, shahwada iyo wixii lamid ah. Viiruska waxa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida viruska ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin cudurka. Hooyada waxay u gudbin kartaa Ilmaheeda xiliga dhalmada, dadka waaweyna waxay isugu gudbiyaan marka ay sameeyaan isutag (sexual contact), ama ay Irbad wadaagaan. Hebataytis B la-isuguma gudbin karo dhinaca biyaha, cuntada ama wada kulan caadi ah sida meelaha shaqada, iskuulaadka ama dukaamada.. Dhiigana laguma kala qaado.
Ka hortagga Joonis-ka nooca Hebataytis B Cudurku ka hortag ayuu leeyahay. Talaal ayuu leeyahay. Tan kale waa muhiim in la iska ilaaliyo wax allaale iyo wixii keeni kara virus-ka. Waa in uu iska muddaa qofkii la kulmay qof qaba cudurka hebataytis B. Waxa afka qalaad lagu yidhaa Immune Globuling muddo hal todobaad ah ama ka yar. Waxa la-isku muddaa talaalka hebataytis B. Seddex Irbadood oo talaalka ah ee lagaga hortago hebataytis B. Dawada Waxaxa lagu daaweeya Alpha Inferon or Lamivudine.
Hebataytis C
Sida uu u fido Virus-ka waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida virus-ka ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin viruska.
Caadi maaha in hooyadu ay u gudbiso Ilmaheeda xiliga dhalmadada, ama dadka marka ay sameeynayaan isutaga.
Dadka qaba intooda badan calaamado ma laha, laakiin qaar ayaa waxay dareemi karaan daal, indhaha iyo maqaarka oo akhtar ama cagaar noqda (jaundice). Waxa lagu garan karaa in qofka qabo cudurkani iyada oo la-iska qaado dhiig. Inta badan dadka uu ku dhaco hebataytis C waxa uu ku dhacaa kansar-ka beerka.
Dawada Waa iyada oo la qaato Interferon taas oo u baahan in dhakhtar loo tago. Virus-ka qaar wali lama oga in ay keenaan hebataytiska waxana lagu magacaabaa ( non A….E) Hebataytis Ama Hebataytis X