(GNA) Dowlada Malta ayaa waxaa la sheegay in lagu qasbay inay qaabisho qaxooti Soomaaliyeed oo ay damacsanayd inay dib ugu celiso dalka Liibiya oo ay ka soo ambabaxeen.
Qaxooti Soomaaliyeed oo dhawaantaan soo gaadhay xeebaha dalka Malta ayaa waxaa la sheegay inay ka badbaadeen dib u celis ay la damacsanayd dowlada dalka Malta ka dib markii maxkamada reer Yurub ee xaquuqda bini’aadamka ee European Court of Human Rights ay go’aamisay inaan qaxootiga Soomaaliyeed aan dib loogu celin dalka Liibiya islamarkaana ay xaq u leeyihiin in la qaabilo oo fursad la siiyo kiiskooda qaxootinimo, Marka la eego xaalada dalka Liibiya in qaxooti si qasab ah dib loogu celiyo ma ahan wax la aqabali karo sidaas waxaa yiri Andrej Mahecic oo u hadlay laanta qaxootiga aduunka ee U.N. High Commission for Refugees, Qaxootigii ugu dambeeyey oo soo gaadhey dalka Malta oo ka koobnaa 68 qofood oo u badan Soomaali ayaa waxaa soo badbaadiyey booliiska xeebaha ee dalka Malta xilli uu qaxootigaas ka muuqatay rafaad iyo dhibaato badan oo ka soo wajahay socdaalka dhibka badan ee ay ku soo qaateen bada ka dib markii ay doontu ka soo raaceen dalka Liibiya.
Ugu dambeyntiina iyad oo qaxootigaa Soomaalida ee soo gaadhay xeebaha dalka Malta uu ku soo aaday xilli ay maxkamada reer Yurub ee xaquuqda bini’aadamku ay is hortaag ku samaysan ilaa iyo 45 qaxooti Soomaaliyeed oo ay dowlada dalka Malta diyaarad uga qaadi lahayd dalkeeda iyadoo damacsanayd inay dib ugu celiso dalka Liibiya ayaa go’aankaas maxkamada waxaa ka xumaaday dowlada dalka Malta oo ku eedeysay wadamada reer Yurub inaaney war u heynin dhibka ay ku qabaan qaxootigaas dowlada iyo dadka reer Malta islamarkaana aaney wax caawimnaad ah ka helin wadamada reer Yurub, Qaxooti gaadhaaya ilaa iyo 8,400 ayaa la sheegay inay sanadkan ka soo degeen dalalka Malta iyo Talyaaniga taas oo u dhuganta laba jibaar marka loo eego sanadkii hore qaxootiga ka soo degay wadamadaas
DAAWO VIDEO
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com