(GNA) Jariirada Bild ee ka soo baxda Dalka Jarmalka ayaa sheegaysa in Boqol Arimood oo Dumarku kaga wanaagsan yihiin raga ay jiraan ayna kala yihiin kuwa laxadhiidha cilmiga iyo barashada iyo kuwa kale oo iyana la xadhiidha shaqada iyo fircoonida bini`aadamka
Arimahaa ayaa jariiradu waxay ugu horeysiisay in dumarku kaga fiican yihiin Ragga sida ay u illaaliyaan kalsoonida Naftooda iyadoo taa lagu macneeyey in dumarku awoodan inay ilaaliyaan kalsoonida ay naftooda ku qabaan iyadoo aanay dumarku u muuqan qaar khal khalsan xitaa hadii arintu tahay macluumaad laga doonayo ama ay gudbinayaan,
Arinta labaad ayaa lagu sheegay in dumarku ay Ragga kaga awood badan yihiin sidii ay u dooran lahayeen magaallo ay u dalxiis tagayaan xitaa hadii aanay hore ugu sii qorsheysneyn,
Daraasadan oo ay sameysay jaamacada Southern California University ee dalka Mareykanka ayaa waxa kaloo ay ku dartay arimaha dumarku Ragga kaga wanagsan yihiin Maamulka shaqaalaha iyagoo taa sabab uga dhigay in dumarka ay ku kulmeen ama ay leeyihiin laba sifo oo muhiim u ah maamulka shaqaalaha kuwaas oo kalla ah Awood iyo Dabeecd wanaagsan oo shaqaalaha ay ku kasban karaan,
Boqolka arimood ee ay dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga ayaa waxaa kamida iyagoo aad ugaga fiican isticmaalka ama odhaahda kalmada (Xabiibi) ee ay ku odhanayaan Raggooda,
Daraasadan ayaa waxa kaloo ay ku dartay arimahaa in dumarku kaga wanaagsan yihiin Ragga arimaha Sameynta baabuurta iyagoo taa dalliil uga dhigay hadalka ninka mas,uulka ka ah warshada babuurta sameysa ee Porsche kaasoo sheegay in dumar badan ay ka shaqeeyaan qeybta Makaanikada ee baabuurta lagu sameeyo ee shirkada isagoo sheegay in dumarkaasi aad ugaga wanaagsn yihiin ragga arimaha makanikada ee baabuurtaa iyo walliba naqshadayntooda,
Arimahaa ayaa waxa kaloo ay daraasadan ku sheegtay in Dumarku ay ka been yar yihiin ragga oo Raggu yihiin kuwo sheegga been aad uga badan ta ay dumarku sheegaan,
Arinta kalle ee dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga ayaa lagu sheegay inay dumarku xamillaan cadaadiska badan ee kaga imanaya dhinaca shaqada ama mas,uuliyiinta shaqada iyadoo warbixintan sheegtay in taa ay dumarka u suuro gallisay Hormoonada dhedignimo iyagoo walliba awoodi kara inay ku shaqeeyaan xitaa hadii cadaadis badan lagu hayo,
Warbixintan ayaa sheegtay arimaha kalle inay ka mid yihiin in dumarku garanayaan sida ay u qiimeyn lahayeen hurdadooda isla markaana ay maalin walba seexdaan intii ay hurdada uga baahnaayeen, halka Raggu laga yaabo inuu habeenkii inta badan soo jeeddo,
Arinta ugu danbeysa ee jariiradu qortay ayaa ah in dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga illaalinta timaha iyagoo dumarku lahaada timahooda oo dhan iyagoo sodon jir ah. halka Raggu ay markiiba timahooda lumiyaan iyagoo yar yar isla markaana ay wadda bidaar yeeshaan,
Qodobadan waa Intii ay jariiradu ka qortay boqolka arimood ee dumarku kaga wanaagsan yihiin Ragga.
.
Gobanimonews.com