Monday, July 8, 2013

Cristiano Ronaldo Oo Akadeemik Kubada Cagta Ah Ka Furtay Georgia.


Cristiano Ronaldo ayaa akadeemik kubada cagta ah ka furtay caasimada Georgia ee Tbilisi, iyadoo xafladii lagu furayay uu ku wehliyay xiddigii hore ee AC Milan Andrei Shevchenko.




Ronaldo ayaa caruurtii uu u furay akadeemiga la sheekeystay islamarkaana waqti la qaatay shalayto iyadoo qaarkood uu saxiixyo u sameeyay islamarkaana uu sawiro la galay.




Waxaa xafladii furitaanka akadeemigan kula wehliyay sidoo kale xiddigii hore ee Georgia Kakha Kaladze kaasoo AC Milan u ciyaaray sagaal xilli ciyaareed ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha dhawaan. Haatan waxa uu ra’isalwasaare ku xigeen ka yahay Georgia, waxaana uu madax ka yahay tamarta wadanka.




Xiddiga reer Portugal ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaalo ku kala bixiyay France iyo Singabore, isagoo markaas sheegay in mutsabqalkiisa uu yaalo Real Madrid. Intii uu ku sugnaa Tbilisi waxa uu sidoo kale xaadiray kulan saaxiibtinimo oo u dhaxeeyay Dinamo Tblisi iyo kooxda Dynamo Moscow.