Monday, July 15, 2013

M/weyne Siilaanyo oo ay ku Qaraxday Godob Siyaasadeed oo uu Dhitaystay 6 Sanadood ka hor, Markii uu ururkii Qaran Taageeray


Madaxweyne Siilaanyo: 29 Bishii Jully 2007: Xadhiga Masuuliyiinta ururka Qaran waa arin fool xun, Qaranimada ku xun..”




10 Jully 2013-kii “ma aqbalayno in sharciga iyo Qarannimada  wax ka hor-imanaya looga faa’idaysto arimo siyaasadeed.”




Hargeysa(GNA)-Dood badan ayaa wali ka taagan sharciyadda Golaha wadatashiga Qaran ee ay dhawaan ku dhawaaqeen Siyaasiyiinta cul-culus ee Somaliland, hase ahaatee waxa cad in arintani daba socoto Gef sharci daro ah iyo Godob siyaasadeed oo uu Madaxweyne Siilaanyo lix sanadood ka hor, u arkayay sharciyad siina dhitaystay, markii uu hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye ahaa, markaasoo uu si buuxda u  Taageeray Ururkii Qaran ee ay badhtamihii Bishii August aasaaseen Siyaasiyiinta Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.




Ka dib markii horaantii bishii Jully sanadkii 2007-kii, Siyaasiyiin ay hormood u ahaayeen Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi ku dhawaaqeen Urur siyaasadeed Qaran la baxay xili aan sharciyan la ogolayn furashada Ururo siyaasadeed oo ka baxsan saddexdii Xisbi ee jiray (UDUB, KULMIYE IYO UCID), 28 Jully 2007 ayaa Xukuumaddii Rayaale Xabsiga dhigtay hogaankii Ururkaasi, gaar ahaan Maxamed Xaashi Cilmi, Jamaal Caydiid  iyo Maxamed Cabdi  Gaboose.




Markii la xidhay Siyaasiyiintaasi  29 Jully oo ahayd maalintii xigtay dharaartii xabsiga loo taxaabay Hogaanka Qaran Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo markaasi  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo mucaarid ahaa ,ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga masuuliyiintaasi oo uu ku tilmaamay siyaasad xumo iyo cabudhin .




Axmed Maxamuud Siilaanyo, oo  ka jawaabayay talaabada lagu xidhay Hogaanka Qaran waxa uu yidhi“Masuuliyiinta Ururka Qaran ee Xabsiga loo taxaabay, Dr, Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, waa arrin aad u fool-xun, qaranimada ku xun, sharciyada ku xun, siyaasada ku xun, waana mid u adeegaysa dagaal aynaan doonayn inaynu marno jidkaa, oo ah jidka cabudhinta, jidka caga-juglaynta iyo deminta geedi socodka dimuqraadiyada arrintaasi waxay noogu muuqatay oo aanu aad iyo aad u dhaleecaynaynaa inay tahay mid ina tusaysa in dalka maamulkiisa maanta jiraa xad aad u cawaaqib xun qaaday. Sidaa daraadeed, waanu dhaleecaynaynaa xadhiga masuuliyiinta Ururka Qaran waxaan leeyahay masuuliyiintaa si bilaa shuruuda xoriyadooda ha loogu celiyo.”




Xadhiga Saddexdan siyaasi  ee Qaran Aasaasay oo ay xukuumaddii Rayaale u cuskatay dodo sharci, isla markaana lagu xukumay Xabsi, ka dib dhegeysiga dacwadooda oo bilaabantay bishii August horaanteedii, kana furantay Xabsiga mandheera oo xiligaasi rumaan loo geeyay, ayaa dharaarihii la xidhay Xisbiga UCID kaga jawaabay dareen ka dhaw halka uu Xisbiga Kulmiye iyo hogaankiisu iska taageen .




Gudoomiyah Xisbiga UCID  Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Munaasibad  ka dhacday  Burco  maalmo ka dib xadhiga gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in qofka wax tabanayaa aanu sharciga ka talaabsan.




 “Qofka wax tabanayaa waa in uu shuruucda dalka raaca, waana in uu garsoorka maraa, xadhigana Qarana waxa lala yaabo ma ah ee dawlada ayaa cadayn doonta waxa ay u cuskatay, xadhigan iyadan laga sugaya anaka [UCID] nooma taalo, cidkastan waa la xidhi kara Aniga, (Faysal), Siilaanyo iyo Madaxweynahaba, isga Madaxweynaha dhawr jeerba Imijmanti lagu soo oogay, Imbiijmantigu waa xadhig, oo haddii xilka laga qaado waa la xidhay madaxweynaha marka ma ah wax lala yaabo xadhigu" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey xadhiga madaxda ururka Qaran.




Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, oo uu yidhi:- “Waa inaan dadka laga leexin wadada saxda ah, ilaa iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay waxay ku aasaasantaytNabadgelyada, waad ogtihiin 1992-kii waxa dhacay burbur iyo dagaalo maaha in aynu mar walba wax soo dhisno, dalka maamul ayaa ka jira, doorasho ayaa dhacday, cod [Vote] ayuu shacabku bixiyey, koox ayaanu guul ku soo hoynay, maamulkani wuu iska tegi doonaa, laakiin siyaasad iyo damaca kursiga danta dalka iyo dadka ayaa ka horeysa, xaqiiqda yaan la iska indha tirin”.




Xisbiga kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo oo xiligaasi hormuud u ahaa ka istaageen Xadhiga Siyaasiyiintaasi oo ku eedeysnaa Kicin shacbi iyo Abaabul siyaasadeed oo sharci daro ah, kuma eekaan mawqifka adag ee ay iska taageen talaabada xukuumaddu qaaday, balse  12 September ee isla sanadkaasi 2007, ayay soo abaabuleen  Mudaharaad balaadhan oo lagu diidanyahay xadhigaasi.




Mudaharaadkaasi waxa horkacayay hogaanka Xisbiga Kulmiye oo uu kow ka yahay Guddoomiye Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo  xubno ka mid ah aasaasayaashii Qaran, kaasoo socday muddo saacado ah, isla markaana ka soo bilaamay Biriijka labaad ee Caasimada, kuna dhamaaday afaafka Wasaaradda Maaliyada oo wax yar u jirta qasriga madaxtooyada oo uu xiligaasi fadhiyay Daahir Rayaale Kaahin.




Inkasta oo Madaxda Ururkii uu Siilaanyo u doodayay markaasi muddo ka dib la soo daayay, hadana isaga iyo xisbigiisu waxay xambaarteen godob siyaasadeed oo ay ka galeen Daahir Rayaale iyo Xukuumaddiisii, taasoo ay siisteen qadiyadii ay Qaran kula midowday Kulmiye markii Xabsiga laga soo daayay, kaasoo ku qodotomay saddex qodob sida la aaminsanyahay Madaxweyne siilaanyo fuliyay markii xukunka qabtay ilaa wakhtigii ololaha.




Sidaasoo ay tahay hada waxa muuqata in muddo lix sanadood ah ka dib, kuna buuxda Bishii Jully ee Qaran la aasaasay, Golaha Bad-baadintaa qaranka ee todobaadkii hore lagaga dhawaaqay Hargeysa uu qayb ka yahay Qaraxa godobtii siyaasadeed ee uu xiligaasi Kulmiye dhitaystay.




Waxaana aad u la yaab badan maanta inay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa  u cuntami la’dahay ku dhawaaqista Golle Siyaasadeed oo aan ku abtirsan Saddexda Xisbi qaran ee dalka ka jira oo uu ka maqanyahay Xisbigii uu bishan Bisheedii lix sanadood ka hor ku dhaleeceynayay ka hortaga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee sharciga ka baxsan.




Waxa kale oo cajiib ah in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal cali Waraabe oo xiligaasi ka gows adaygay inuu taageero  hadafka Ururkii qaran uu maanta qayb ka yahay Gollaha Bad-baadinta Qaranka ee Maanta Madaxweyne Siilaanyo Liqi kari la’yahay, iyadoo taasi ay ka sii weynta in Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ragii Siilaanyo godobta u galay uu ka dhex muuqdo Golahan .




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com





la soco qaybo dambe iyo qormadan