Hargeysa (GNA) – Wararka aannu ka helayno deegaanka woqooyiga Hargeysa ee degmada Daarasalaam ayaa sheegaya in maalintii sedexaad uu ka taaganyahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya dadweynaha ku dhaqan deegaanka Dhamal.
Khilaafkan ayaa ka dhashay kadib kooxo dhuxulaysato ah oo nooc kastaba dhirta iyo kaymaha deegaanka dhul daaqsimeedka ah xaalufanaya kuwaasoo ay ka horyimaadeen dadweynaha xoola dhaqatada ah oo isu abaabulay inay ka hortagaan.
waxaana lagu waramayaa inay arrintu isu bedeshay khilaaf reeraysan oo abaabul colaadeed iyo kooxo hubaysan oo laba beelood ahaan isku hor fadhiya.
Dad ku sugan deegaanka ayaa sheegay inay labada dhinac rasaas is waydaarsadeen maalintii shalay balse aanu wax khasaare ahi ka dhalan.
Qaarka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in markii ay dhuxusha deegaanka laga shidayaa socotay muddo dheer ay isku dayeen inay dadka xoola dhaqatadu ka hadlaan taasoo ay kooxaha dhuxulaysatadu kaga jawaabeen gacan ka hadal.
Illaa maalintii sedexaad ayay dhinacyada hubaysan ee beeluhu isku hor fadhiyaan deegaanka dhul daaqsimeedka ah ee Dhamal ee dhinaca bari ee Balligacas iyadoo ay wararka u dambeeyay sheegayaan inuu jiro abaabul xoogan iyo gurmad ay isku urursanayaan dhinacyada khilaafka u dhexeeyo qaarkood.
Degmada Daarasalaam oo deegaankani maamul ahaan hoos yimaado ayaan maamulkeedu wax talaabo ah qaadin ilaa hada six al looga muranka taagan
Sidoo kale, iyadoo khilaafkani taaganyahay maalintii sedexaad, maamulka gobolka Maroodijeex ayaan iyaguna wax door ah wali ku yeelan in wax laga qabto xiisaddan nabadgelyo darro ee ka aloosantay deegaanka Dhamal oo u dhaw Hargeysa dhinaca woqooyi.
Caaqil Maxamed Faarax Yuusuf oo ka tirsan cuqaasha deegaanka woqooyiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jirto xiisad colaadeed oo ka dhalatay dhuxusha laga shidanayo deegaanka taasoo isu bedeshay khilaaf ka dhex abuurmay dadka deegaanka wada yaalla haddii aan dhakhso wax looga qabana ay colaad sokeeye ka dhalanayso.
Dhuxulaysiga ayaa madnuuc ah siyaasad ahaan Somaliland, waxaana jira ololeyaal lagu dagaalamo Dhuxulaysiga iyo wacyi-gelin Wasaaradda deegaanku hormud ka ahayd.
Inkasta oo xiisadani ka oogantahay deegaanka Daarasalaam oo ah dhul Beerashada iyo xoolo daaqsimeedka ku wanaagsan, xubno ka mid ah Odayaasha wax-garadka ah ee Waqooyi Hargeysa, ayaa todobaadkii hore Gobanimonews u sheegay inay beryahan dambe khaati ka joogaan Dhuxulaysiga oo aan hore looga aqoon deegaamadaasi.
Waxay sheegeen in Kooxo Dhuxulaysato ahi faro-baas ku hayaan Dhirta qoyan iyo kuwa qalalan ee deegaamada dhinaca Xeebta iyo kuwa dhaca Dhul buureedka dawga cad ilaa dacalka Koonfureed ee degmada Daarasalaam.
Gobanimonews
Hargeysa Office