Sunday, July 14, 2013

Agaasime Xilka loo magacaabay Madaxweynaha ku bogaadiyay


Hargeysa(GNA )Agaasimaha Cusub ee  Wasaarada Xidhiidka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolagy_yada  Maxamed cali aadan  ayaa soo dhaweeyey Xilka Cusub  ee madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Silanyo) U Magacaabay  dhawaan  




 Agaasimaha guud ee  Wasaarada Xidhiidka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolagy_yada  Maxamed cali Aadan Waxaa uu ugu horayn sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Xilka Cusub ee  loo magacaabay isgoo u mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland  Waxaanu yidhi: Maxamed cali aadan  




  “Waxaan aad ugu faraxsanhay Xilka uu madaxweynuhu ii magacaabay isagoo ii gartey in aan xilkaasi Buuxin karo aad baan ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha waxaan ilaahay ka baryaya in uu ilaahay ii fududeeyo xilka la ii dhiibay  ayaa uu yidhi




Agaasimaha Cusub ee  Wasaarada Xidhiidka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolagy_yada  Maxamed cali aadan Waxaa uu Hanbalyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo isgoo ku Bogaadiyey isku Badalka Magacaabista iyo Xilka ka qaadiska uu ku Sameeyey Xukuumadiisa agaasimayaal ilaa Heer Wasiir




Maxamed Cali aadan Waxa kale  oo uu carabka ku adkeeyey in uu si xil kasnimo iyo daacadnimo ku dheehantahay uu uga soo Bixi doono xilka loo magacaabay isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqey in uu baahiya wasaarada ka jira uu wax badan ka qaban doono kolba sida ay u kala horeeyaana uu Mihiimada u saari doono




Waxaanu Shaqaalaha Wasaarada ka Codsay in ay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen Agaasimayaashii ka Horeeyey ,




Gaba Gabadii Agaasimaha guud ee  Wasaarada Xidhiidka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolagy_yadu Waxaa uu iyana guul u rajeeyey Masuuliyiinta kale ee la magacaabay isagoo ilaahay uga rajeeyey in ilaahay xilka loo dhiibay uu ku asturo